Faahfaahin ku saabsan Howgallo lagu Qabqabtay in ka badan 700-qof oo laga sameeyay Degmada Dharkeynley

Khamiis, Jannaayo 17, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 790 qof ayaa lagu qabtay howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen maanta degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, waxaana howlgalkaas uu ahaa mid qayb ka ah howgallo ay ciidamadu amaanku maalmahan ka sameynayeen dhowr degmo oo ka tirsan Muqdisho.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir, Axmed Xasan Maalin ayaa saxaafadda u sheegay in howgalkan uu ahaa mid lagu adkeyay ammaanka laguna soo qabqabtay 790-qof oo 84 ka mid ah lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

“Howlgalkan wuxuu qayb ka ahaa howlgallo degmooyinka gobolka Banaadir ka socday oo lagu sugayo ammaanka guud ee caasimadda, wayna sii socon doonaan inta ammaanka oo dhan gacanta lagu dhigayo,” ayuu yiri Maalin.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in baaritaannada maanta ay yihiin kuwii ugu horreeyay oo laga sameeyo degmada Dharkeynley, iyadoo la beegsaday goobo si gaar ah loo tuhusan yahay.

“Dadka la qabqabtay waxaa la marin doonaa baaritaanno lagu xaqiijinayo tuhunnada laga qabo oo ah inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, ciddii aan dambi yeelanna waa lasii dayn doonaa,” ayuu yiri Axmed Maalin.

Ciidamada dowladda ayaa in ka badan 2,500 oo qof ku qabqabtay howlgallo ay ka sameeyeen degmooyinka Yaaqshiid iyo Wadajir, iyadoo in ka badan 300 oo dhallinyaradaas ka mid ah lagu tuhmay inay Al-shabaab xiriir dhow la leeyihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya