Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Howlgalka AMISOM oo Matoor ugu deeqay Isbitaalka Magaalada Baladweyne



Khamiis, Jannaayo, 17, 2013 (HOL) -- Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ee gobollka Hiiraan ayaa ku wareejiyay maalintii shalay maamulka isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne Matoor ku kacay qiimo dhan $ 1050 doolar, kadib markii uu jabay Matoorkii biyaha u soo saari jiray isbitaalka.


Xiriiriyaha ciidamada Jabuuti ee gobollka Hiiraan Samatar Ducaale Migil oo warbaahinta la hadllay xili uu Matoorka ku weejinayay maamulka Isbitaalka, ayaa sheegay in kaalmadan qeyb ka tahay gargaarka bani’aadanimo ee ciidamada Jabuuti marka laga soo tago howlaha militari oo ay u joogaan gobollka.

‘’Tani waa qeyb ka mid ah gargaarka bani’aadanimo oo ay AMISOM ugu talagashay in ay ku caawiyaan qeybaha bulshada, runtiina isbitaalka waxaa uu ka mid yahay goobaha danta guud ee waliba haya marka la eego howlaha kuwooda ugu sii culus ee loogu adeegayo bulshada ayuu yiri,’’ Samatar Ducaale Migil.


Kaalmadan ay ku deeqeen saraakiisha ciidamada Jabuuti gobollka Hiiraan ayaa timid kadib markii ay cabasho u gudbiyeen mas’uuliyiinta maamulka isbitaalka oo sheegay in biyo la’aan daran soo food saartay kadib markii uu ka jabay Matoorkii loo isticmaali jiray ceelka isbitaalka, waana tan keentay in markiiba ay codsigaa ka jawaabaan saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM.

Sidoo kale waxaa isbitaalka magaalada Baladweyne la gaarsiiyay deeq lacageed oo dhan $ 2500 oo doolar, taa oo ka timid Jaaliyada Hiiraan ee ku dhaqan dalka Koonfur Africa, kuwaasoo sheegay in lacagtan ay qeyb ka tahay $ 10.000 oo doolar oo ay ugu talagaleen in ay ku caawiyaan isbitaalka magaalada Baladweyne.

Agaasimaha isbitaalka Axmed Max'ed Khaliif ayaa dhamaan u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysaneysa siduu uu isbitaalku u sii shaqeyn lahaa.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online       
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya