Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Saakay Baaritaanno Xooggan ka wadaan Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir

Khamiis, Jannaayo 17, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxay saakay howgallo ballaaran ay kawadaan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, waxaana howlgalladan ay ka mid yihiin kuwo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameynayeen degmooyinka Muqdisho.

Goobjoogayaal  ku sugan degamda Dharkeynley ayaa sheegay in ciidammo badan lasoo dhoofay xaafadaha degmadaas, ayna ciidamadu baaritaanno saf-ballaaran kuwadaan degmadaas.

“Ciidamadu waxay isugu jiraan booliis, nabad-sugid iyo milateri, waxayna galayaan gurayaha iyo goobaha ganacsiga, halkaasoo ay ka baarayaan dad ay uga shakisan yihiin  inay Al-shabaab ka tirsan yihiin,” ayuu yiri C/llaahi Nuur oo ka mid ah dadka ku nool degmada Dharkeynley.

Sidoo kale, goobjoogahan wuxuu sheegay in dadkii shaqooyinka u socday la xayiray, iyadoo dadka qaarkood lagu ururiyay goobo kala duwan, ayna illaa iyo hadda gaarayaan boqolaal qof.

Saraakiisha hay’adaha ammaanka ee dowladda ayaa iyaguna dhankooda ka hadlay howlgalka waxayna ku sheegeen inuu qayb ka yahay howlgallo lagu sugayo ammaanka Muqdisho, laguna raadinayo kooxaha Al-shabaab ka tirsan.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayay ciidamada dowladdu howgallo noocan oo kale ah ka sameeyeen degmooyinka Wadajir iyo Yaaqshiid, iyadoo howgalladaas lagu qabqabtay in ka badan 2500 oo qof, kuwaasoo boqolaal ka mid ah loo dhaadhiciyay xabsiga markii si aad ah looga shakiyay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay ballanqaadday inay adkeynayso amaanka guud ee magaalada Muqdisho, kaddib qaraxyo iyo dilal sannadkii lasoo dhaafay ka dhacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya