Khamiis, Jannaayo 17, 2013 (HOL) — Golaha Deegaanka cusub ee magaaladda Hargeysa, ayaa maanta yeeshay kal-fadhigoodii kowaad oo ay kaga wada hadlayeen qaabkay u wada shaqayn lahayeen iyo qorshaha ay ku hawl gali doonaan.
Fadhigan golaha deegaanka ee Hargeysa waxa shirgudoominayey gudoomiyaha golehaasi oo ah maayarka magaaladda Eng: Yuusuf Warsame Siciid, waxaanay halkaasi ku meel mariyeen guddi hoosaadyo uu yeelan doono goluhu iyo xeer hoosaad ay ku dhaqmi doonaan mudada ay shaqaynayaan.
Shirkankan oo albaabadu u xidhnaa warbaahintuna dibadda ka joogtay ayaa markii uu dhamaaday shirkaasi warbaahinta uga waramay maayarka magaaladda Hargeysa Eng: Yuusuf Warsame Siciid, waxaanu sheegay inay ka doodayeen xeer hoosaadka ay ku shaqayn doonaan iyo guddi hoosaadyo uu goluhu yeelan doono.
Maayarku waxa uu sheegay inay ka arrinsanayeen qaabka ay u wada shaqayn doonaan iyo guddi hoosaadyo waaxyaha ay ka hawl gali doonaan iyo mudadda ay joogaan hawlaha ay qaban doonaan.
Maayarkan cusub, Inj. Yuusuf Warsame Siciid ayaa shalay shaqadiisii kowaad ka bilaabay banaynta jidadka, isagoo dhulka mariyey dadkii ku shaqaysanayey wadooyinka barbarkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, golaha Deegaanka ee cusub ayaa laga filanayaa inay wax badan ka qabtaan magaaladda iyo bilicdeeda, iyagoo ay hortaallo hawlo badan oo u baahan in wax laga qabto.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland