
Khamiis, Jannaayo 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga magaalada Washington DC ayaa kulamo la qaatay Hay'adaha USAID iyo Bankiga Adduunka.
Xarunta hay'adda USAID ayaa waxaa madaxweynaha ku soo dhaweeyey madaxa hay'adda USAID waxayna ka wada hadleen sidii dowladda Soomaaliya looga kaalmeyn lahaa dib u dhiska adeegga bulshada. Madaxweynaha ayaa wuxuu xusay in xukuumadiisa ay xoogga saari doonto soo celinta ammaanka dalka balse ay ka fileeyso gaargaar ay ka hesho wadamada ay saaxibka yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Bankiga Adduunka Dr. Jim Yong Kim
Sidoo kale gudoomiyaha Bankiga Adduunka Dr. Jim Yong Kim ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa ku qaabilay xarunta Bankiga Adduunka ee magaalada Washington. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay baahida deg-dega ah ee loo qabo dib u dhiska hay'adaha dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo kaalinta uu Bankiga Adduunka ka geysan karo. Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Cabdisalaam Cumar oo dhawaan loo magacaabay jagadaas.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kulamo is-dabajoog ah la leh madaxda dalka Mareykanka iyo hay'ado kale oo caalami ah, waxaana la filayaa in uu maanta madaxweynaha la kulmo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka Hillary Clinton, ayada oo warar kalana ay sheegayaan in ay suuragal tahay in uu Aqal Cad kula kulmo madaxweyne Obama
Xafiiska Wararka
Hiiraan Online
Sawirada: SNTV North America