Khamiis, Jannaayo 17, 2013 (HOL) — Ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo tiradoodu tahay 204 askari oo ay 16 ka mid ahi yihiin haween ayaa maanta tababar loogu qaaday dalka Jabuuti, waxaana ciidamadan ku jira saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya iyo macallimiin.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay muddo saddex bilood ah tababar ku saabsan: habka baarista miinooyinka, ka hortagga argagaxisada iyo weliba baaritaannada dambiyada ay kusoo qaadan doonaan dalka Jabuuti.
“204-ta askari waxay isugu jiraan 16 dumar ah iyo 188 ka mid ahna waa rag, waxayna dhammaantood soo baran doonaan cilmiyo kala duwan oo la xiriira howlaha booliiska,” ayuu yiri Axmed Dayib (Dhego-caleen) oo ah taliyaha xerada tababarka booliiska Soomaaliyeed ee Iskool bulisiyo.
Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa maye oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadan ay bisha hore qaadan doonaan casharro isku mid ah oo ah markaas kaddibna ay takhasusaad kala duwan sameyn doonaan.
“Ciidamadan waxaa tababari doona 30 macallin oo Talyaani ah, kuwaasoo ku sugan dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti, waxaana kharashka tababarka bixin doonta dowladda Talyaaniga oo horay u ballanqaadday,” ayuu yiri taliyaha booliiska Soomaaliya.
Wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, Mahdi Maxamuud Cali oo la hadlay ciidamada tababarka loo qaaday ayaa kula dardaarmay in tacliinta ay soo bartaan ay dib dalka kula soo laabtaan si ay ugu adeegaan shacabkooda.
“Arrinta la idinka doonayo waa inaad ilaalisaa sharafta dalka, waayo waxaad tihiin ciidammo matalaya dadka iyo dalka Soomaaliya, waana inaad si anshax leh aad tacliinta uga qaadataan macallimiinta idin tababaraya,” ayuu yiri wasiir u dowlaha oo la dardaarmayay ciidamada tababarka loo qaaday.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya tababar loogu qaado dalka Jabuuti, iyadoo in ka badan 500 askari ay horay tababarro ugu soo qaateen Jabuuti oo ka mid ah dalalka dariska la ah Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya