Khamiis, Jannaayo 17, 2013 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo uu ku jiray sakaal ka tirsan ciidamada ilaalada xabsiyada ee dalka Kenya ayaa ku dhintay dagaal weerar xalay lagu qaaday maqaahi raashinka laga cuno oo ku taalla bartamaha magaalada Gaarisa.
Kooxaha weerarka geystay ayaan illaa hadda la ogeyn, iyadoo sidoo kalena aysan cid sheegatay midna, waxaana saakay lagu arkayaa maqaahidii xalay la weeraray dhiig badan iyo raashinka oo dhooban goobtii lagu cunteynayay ee la weeraray.
“Weerarkii xalay waxaa lagu dilay shan qof, waxaana lagu dhaawacay afar kale,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka degmada Gaarisa oo maanta la hadlay saxaafadda.
Goobjoogayaal kale ayaa sheegaya in weerarkii xalay uu saameyn xooggagn ku yeeshay isku socodka iyo ganacsiga degmada Gaarisa, iyadoo weerarkan uu noqnayo kii ugu horreeyay noociisa oo sannadkan cusub ka dhaca degmada Gaarisa.
Dowladda Kenya ayaa weerarro ay dad badan ku dhinteen oo sannadkii hore ka dhacay degmadan Gaarisa ay ku eedeysay Al-shabaab, inkastoo aysan ka hadlin Al-shabaab eedeymahaas ku saabsan inay weerarradaas mas’uul ka tahay.
Xaaladda magaalada Gaarisa saakay deggen, iyadoo lagu soo beegay weerarkan xilli dalka Kenya ay maanta ka billaabayaan doorashooyinka golayaasha deegaannada, kuwaasoo ay ku tartamayaan xisbiyada waaweyn ee dalka Kenya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya