
Khamiis, Jannaayo 17, 2013 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay si rasmi ah u aqoonsan doonto dowladda Soomaaliya kaddib markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaaliya, iyadoo aqoonsigan uu albaabbada u furayo xiriir dhexmara Soomaaliya iyo Mareykanka tan iyo sannadkii 1993-kii markaasoo laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca Mareykanka looga soo riday gudaha Soomaaliya.
Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika, Johnnie Carson ayaa sheegay in booqashada madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh uu maanta oo Khamiis ah la kulmi doono xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Hillary Clinton iyagoo isdhaafsan doono qoraallo dublamaasiyadeed oo lagu soo celinayo xiriirkii Soomaaliya iyo Mareykanka.
“Dowladda cusub ee Soomaaliya waxay sameysay horumar weyn oo ay ku xasilinayso Soomaaliya ayna dhabarka uga jabisay Al-shabaab,” ayuu yiri Carson oo la hadlay saxaafadda.
Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxay dhul ballaaran ka qabsadeen sannadkii hore Xarakada Al-shabaab, inkastoo Al-shabaab ay weli gacanta ku hayso dhul ballaaran oo ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.
“Xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya wuxuu ahaa mid aad u kala fog tan iyo markii laba diyaaradood oo Mareykanku leeyahay ay kooxo hubeysan kusoo rideen magaalada Muqdisho sannadkii 1993-kii,” ayuu Carson hadalkiisa ku daray.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uu dhaawacay ciidammo Mareykan ah oo lagu jiiday waddooyinka waaweyn ee Muqdisho, taasoo ay caro ka qaadday dowladda Mareykanka.
Dowladdan cusub ee Soomaaliya ayaa tii rasmiga ahayd ee Soomaailya ka dhalata muddo 22-sano ka badan, iyadoo baarlamaanka cusub oo soo doortay madaxweyne Xasan Sheekh la dhaariyay lix bilood ka hor.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya