
Sabti, February 11, 2012(HOL): Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Gobolka Hiiraan oo ay xalay iyo maanta dagaallo ka dhaceen ayaa waxay sheegayaan in xaaladda magaaladaas ay haatan degan tahay, inkastoo dhinacyadii dagaallamay ay weli ishor-fadhiyaan.
Wariyaheena Magaalada Beledweyne C/raxmaan Diini ayaa sheegaya in dagaalka ka dhacay magaalada uu ka dhacay Xaafadda Howl-wadaag, iyadoo dagaalkana uu u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Dooxada Shabeelle iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Sarkaal warfaafinta u qaabilsan Maamulka Dooxada Shabeelle oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Caga-joog ayaa HOL u sheegay in kooxda dagaalka kala soo horjeeda ay tahay mid xiriir la leh Xarakada Al-Shabaab, taasi oo uu xusay in ay dhawaanahan isku abaabuleysay gudaha Magaalada Beledweyne.
Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca kale, kaasi oo rumeynaya ama beeninaya warka uu sii daayay sarkaalka ka tirsan Maamulka Dooxada Shabeelle,
Dagaalka xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa wuxuu geystay dhimashada 4 ruux iyo dhaawaca 17 ruux oo kale, kuwaasi oo isugu jira dhinacyadii dagaallamayay iyo dad rayid ah oo aan dagaalka wax lug ah ku lahayn.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan gudaha Magaalada, gaar ahaan Xarunta Gobolka iyo goobo kale ayaanan weli dagaalka soo faragelin, iyadoo dagaalkana uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqyadii dadka iyo ganacsiga ee magaalada.
Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana jira wel wel ay qabaan dadka Magaalada ku nool, kaasi oo ku saabsan sida uu noqon doono xaalka magaalada saacada soo socda.
Kala soco halkan wixii ku soo kordha xaaladda Magaalada Beledweyne haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]