
Sabti, Feberaayo 11, 2012 (HOL) − Hay'adda samafalka Turkiga ee RIDA ayaa sheegtay inay dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, hoyga, tarbiyadda iyo dharka ay ka caawinayso agoonta ku nool dalalka Soomaaliya iyo Suudaan.
Madaxa hay'addan, Mahmet Sahin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Turkiga (Anatolia) in agoonta ku nool labadan dal ay haystaan dhibaatooyin fara badan, iyaguna ay doonayaan inay caawiyaan si ay u halmaansiiyaan dhibaatooyinkaas.
"dalka Soomaaliya waxaan ku xannaaneynaa 1,000 agoon ah, waxaana siinnaa cunno, dhar iyo waxbarasho. waxaana rajeynaynaa inaan tiradooda gaarsiinno 5,000," ayuu yiri Madaxa RIDA.
Sidoo kale, Sahin wuxuu sheegay in dalka Suudaan ay ku xanaaneeyaan 2,600 oo agoon ah ayna rajeynayaan inay gaarsiiyaan tiradooda 10,000, isagoo hadalkiisa ku daray inay gacanta ku hayaan 154 iskuul oo ku yaalla dalka Suudaan.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka shaqeeya hay'ado badan oo Turki ah, kuwaasoo yimid wixii ka dambeeyay bishii Ogoosto ee sannadkan oo ay abaarihii ugu xumaa muddo 60-sano ah ku dhufteen Soomaaliya si ay u caawiyaan dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Hay'adahan waxay ka wadaan caasimadda Soomaaliya mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin: caawinta dadka dhibaateysan, caafimaad, waxbarasho iyo dib u dhis ay ku sameynayaan xarumaha dowladda iyo iskuulladii ku burburay dagaallada sokeeye.
Ra'iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, xubno ka tirsan qoyskiisa iyo wasiirro ayaa waxay booqasho ku tageen Muqdisho bishii Ogoosto ee sannadkii hore si ay u arkaan dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku dhufteen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya