Taliska AMISOM iyo Dowladda Mareykanka oo Walaac ka muujiyay Midowgii Al-shabaab iyo Ururka Al-Qaacida

Sabti, Feberaayo 11, 2012 (HOL) − Dowladda Washington iyo ciidamada AMISOM ayaa walaac isku mid ah ka muujiyay midowga ay ku dhawaaqeen Al-shabaab iyo Al-Qaacida, iyagoo sheegay in tani ay kordhinayso walaaca dalalka calaamka.

Afhayeenka AMISOM, Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay inay la tahay in la joogo xilligii beesha caalamka ay ka guuleysan lahayd argagaxisada, iyaguna ay diyaar u yihiin inay la dagaalamaan, balse ay u baahan yihiin qalab.

"Al-shabaab Muqdisho waan ka saarnay, waxayna ila tahay in haddii calaamku uu u fahmo in Al-shabaab ay yihiin dhibaato caalami ah ama mid goboleed ay hubaal tahay in laga adkaan karo," ayuu yiri Col. Ankunda.

Sidoo kale, afhayeenka AMISOM wuxuu xusay in haddii la xoojiyo ciidamada DKMG ah laga guuleysan karo Al-Shabaab iyo Al-Qaacida. Isagoo xusay inay codsanayaan in lagu taageero diyaarado dagaal si ay howlgalkooda ugu fidiyaan dhulka ka baxsan Muqdisho.

Dhanka kale, afhayeenadda wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, Victoria Noland ayaa sheegtay in midowgan uu walaac xooggan ku kordhinayo Washington ayna la socon doonaan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab iyo xubnaha Al-Qaacida ka tirsan ee ku sugan Soomaaliya.

"Arrinta midowga Al-shabaab iyo Al-Qaacida waxay sii kordhaysaa walaaca aan ka qabto Al-shabaab iyo khatarta ay ku tahay Soomaaliya, Bariga Afrika iyo caalamka intiisa kale," ayay tiri Victoria.

Madaxda Al-Qaacida iyo Al-shabaab ayaa Khamiistii si rasmi ah ugu dhawaaqay inay midoobeen, iyagoo sheegay inay iska kaashanyaan dagaallada ka socda caalamka iyo Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay arrintan mid aan cusbayn oo uu jiray xiriir ka dhexeeyay Al-shabaab iyo Al-Qaacida.

Xarakada Al-shabaab ayaa tan iyo markii la aasaasay waxay dagaallo kula jirtay DKMG ah ee Soomaaliya, iyadoo isku dayaysay inay xukunka ka tuurto si ay uga hirgeliso Soomaaliya xukun Islaami ah oo iyada hoostaga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya