Sabti, Feberaayo 11, 2012 (HOL) − Dowladda KMG Soomaaliya oo ayaa go'aankii ay midoobeen Al-shabaab iyo Al-Qaacida ku tilmaantay mid aan waxba soo kordhinayn, iyagoo sheegay inuu caddeyn u yahay in Al-Shabaab ay mowqifkeedii daaha ka rogtay.
Hoggaamiyeyaasha Al-shabaab iyo Al-Qaacida ayaa cajalad fiidiyow ah oo dorraad la baahiyay ku sheegay inay midoobeen, iyadoo Al-shabaab ay sheegtay inay uga mid noqdeen Al-Qaacida hoggaan ahaan iyo ciidan ahaan.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo arrintan ka hadlay ayaa ku tilmaamay go'aankaas inuu caddeyn u yahay in Al-shabaab ay ka gudubtay inay tahay urur Soomaliyeed, isagoo dunida ka dalbaday in gacan lagu siiyo sidii ay ula dagaalami lahaayeen.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka DKMG ah, C/samad Maxamuud Xasan ayaa isaguna ku tilmaamay go'aankaas mid aana waxba soo kordhinayn, isagoo sheegay in Al-shabaab iyo Al-Qaacida ay horay u lahaayeen xiriir adag.
"Dowladdu dhowr jeer oo hore ayay ugu baaqday Al-Shabaab inay miiska wadahadalka timaaddo si loo dhameeyo dhibaatada Soomaaliya, balse way diideen caqabada ugu weynna ee hortaagan wadahadalkana waxay ahayd Al-Qaacida," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in kala qaybsanaanta dowladda ka dhexjirta ay u sahlayso in kooxahan oo kale ay soo hunguriyeeyaan Soomaaliya sidii ay dhigan lahaayeen ay ka duulaan.
Wasiirka warfaafinta DKMG ah, C/qaadir Xuseen Jaahweyn oo isaguna arrintan ka hadlay ayaa isaguna sheegay in Al-shabaab ay lasoo baxday kalakeedii runta ahaa ayna ka baxday isqar-qarintii.
"Dr. Ayman Al-Zawaahiri waxaynu leennahay oraahdaadii arrinkan aad ka tiri ee ahayd - Bishaaro fiican ayay noo tahay - innagana sidoo kale bishaaro fiican ayay noo tahay, xukuumadda Soomaaliyana waxay ku faraxsan tahay inuu gebi ahaanba dhammaaday waqtigii uu Al-shabaab isku qarinayay inuu yahay urur islaami oo ka jira Soomaaliya," ayuu yiri Jaahweyn.
Xarakada Al-shabaab iyo dowladda KMG ah ayaa waxaa saddexdii sano ee ugu dambeeyay u dhexeeyay dagaal, iyadoo hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ay horay u sheegeen inay ayidsan yihiin Osama Bin Laden oo lagu dilay dalka Bakistaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya