Sabti, Feberaayo 11, 2012 (HOL) − Xaafadda Howlwadaag ee degmada Baladweyne ayaa waxaa goor-dhow ka qarxay dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka Dooxda Shabeelle iyo kooxo hubeysan, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan inay ku dhinteen saddex qof oo isugu jira labadii dhinac ee dagaalamay iyo dad shacab ah, shan kalena ay ku dhaawacmeen.
Wariyaha HOL ee Baladweyne, C/raxmaan Diini ayaa soo sheegaya in dagaalku uu saameyn ku yeeshay degmada oo dhan, lana xiray gabi ahaan goobihii ganacsiga, sidoo kalena ay rasaas wiifto ah ku dhacayso xaafadaha degmada.
Inkastoo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee dagaalkan ka dambeysa ayaa hadana mas'uulka dhinaca warfaafinta u qaabilsan maamulka Dooxada Shabeelle, Maxamed Nuur Caga-joog wuxuu u sheegay HOL in dagaalku uu u dhexeeyo koox uu sheegay inay dhawaanahan abaabul ka wadeen gudaha magaalada oo xiriir la leh Al-shabaab iyo ciidamada maamulkooda.
Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca kale, iyadoo dagaalku uu weli ka socdo gudaha degmada Baladweyne, waxaana dagaalkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo gudaha degmadaas ku dhexmara ciidammo iyo kooxo hubeysan oo magaalada kuwada sugan
Labada dhinac ee dagaalamaya ayaa waxay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in dagaalkan uu daba socdo dagaal xalay ka dhacay gudaha magaalada Baladweyne.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baladweyne ayaan wax lug ah ku lahayn dagaalka, gudaha degmada Baladweyne ayaa waxaa laga dareemayaa buuq iyo sawaxan ay dadku sameynayaan, waxaana dadka intooda badan ay ku xaroodeen guryahooda.
Wixii kasoo kordha dagaalkan iyo khasaaraha uu geysto waxaan idin kugu soo gudbin doonnaa wararkeenna dambe haddii Alle idmo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya