Sabti, Feberaayo 11, 2012 (HOL) − Milateriga Kenya ayaa sheegay in howlgalkooda afarta bilood jira ee ay kawadaan Soomaaliya ku wiiqeen awooddii Xarakada Al-shabaab ay ku lahayd gobollada Koonfurta Soomaaliya.
Afhayeenka milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna oo saxaafada kula hadlyaay Nairobi maanta oo Sabti ah ayaa sheegay in duqeyntii diyaaradeed ee ay ka geysteen inta badan gobollada Koonfurta Soomaaliya ay qayb ka qaadatay in awoodda Al-shabaab la wiiqo.
"Inta badan awooddii Al-shabaab hoos ayay u dhacday," ayuu Oguna u sheegay wariyeyaasha. "Goobihii ay weerarrada kasoo qaadi jireen intooda badan waa la burburiyay. Qiyaasta aan haynno 75% awooddii Al-shabaab hoos ayay u dhacday."
Dowladda Kenya ayaa waxay ciidammo fara badan u soo dirtay Koonfurta Somalia bishii Oktoobar ee sannadkii hore si ay ula dagaalamaan Xarakada Al-shabaab oo ay sheegeen inay mas'uul ka ahayd falal xad-ka-tallow ah oo isugu jira afduubka iyo dilka loo geystay dalxiisayaal ajnabi ah iyo shaqaalaha hay'adaha samafalka.
Xarakada Al-shabaab ayaa eedeymahan iska fogeysay, iyadoo weerarro qaraxyo ah ka geysatay dalka Kenya, sidoo kale kasoo afduubtay deegaanno soohdinta labada dal u dhow xubno ay ku jiraan saraakiil Kenya oo ay kusoo bandhigeen Soomaaliya.
Col. Oguna wuxuu sheegay in dagaallada ciidamadooda ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya ay ku dileen saraakiil sarsare oo Al-shabaab ka tirsan, sidoo kalena ay qabsadeen degmooyin ay horay ugu sugnaayeen xoogagga Al-shabaab.
"Markii ciidamadu ay lumiyaan awooddii wadajirka ahayd iyo hoggaaminka, taasi macnaheedu waa in gabi ahaan awooddii ciidankaas uu ku dagaalami lahaa ay dhulka gashay," ayuu yiri Col. Oguna.
Xarakada Al-shabaab oo ku dhawaaqday inay ku biirtay Al-Qaacida welina ka talisa dhul ballaaran oo Soomaaliya ku yaalla ayaa waxaa ku furay dagaallo jihooyin badan ah, kuwaasoo ay kula jirto ciidamada Kenya, Itoobiya iyo AMISOM oo Muqdisho ku sugan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya