Madaxweynaha Soomaaliya oo dhaliilay Howlgalka Ciidamada Midowga Yurub ay kula dagaalamayaan burcadbadeedda

Sabti, Feberaayo 11, 2012 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhaliilay howsha la dagaalanka burcadbadeedda ee badaha Soomaaliya ay ka wadaan ciidamada NATO, isagoo sheegay inaan wax natiijo ah laga gaarin howlgalkan.

Sheekh Shariif ayaa hadalkan ka sheegay sannadguuradii 50-aad ee aasaaska ciidamada badda Soomaaliya kasoo wareegtay oo shalay Muqdisho lagu qabtay, isagoo intaas ku daray in ciidamada DKMG ah ay ku aadaan inay la dagaalamaan burcadbadeedda, balse ay u baahan yihiin qalabkii iyo dhaqaale ku filan.

"Waxaad la socotiin maraakiib fara badan inay badaheenna ku sugan yihiin iyagoo sheeganaya inay u joogaan sidii ay ula dagaallami lahaayeen burcadbadeedda, laakiin arrintaas waxba kama qabsoomin, waxaan leennahay waxaa arrintan wax ka qaban kara ciidamada Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan ciidammada badda," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sidoo kale, Sheekh Shariif wuxuu sheegay in ciidamada badda Soomaaliya ay u baahan yihiin qalab ay ku howlgalaan, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan ku siiyaan ciidamada sidii ay howlahooda u gudan lahaayeen.

Madaxweynuhu ma weydiisan beesha caalamka wax kaalmo ah oo ku aaddan in laga gacansiiyo ciidamada badda Soomaaliya sidii ay u ilaalin lahaayeen badaha dalka oo ay ku xooggan yihiin kooxaha burcadbadeedda ah.

"Badda aad arkaysaan waa nicmo Illaahay na-siiyay cid walba ma haysato, innaga ayaana nalooga baahan yahay inaan ilaashano. Maxaa yeelay dowlad marka laga hadlayo waxaa muhiimadda la siiyaa dhulka, cirka iyo badda," ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Munaasabadda lagu xusayay sannadguuradii aasaaska ciidammada badda ayaa waxaa gaaddo-ka-ciyaar kusoo bandhigay dhallinyaro rag iyo dumar ah oo ka mid ah ciidamada badda Soomaaliya, kuwaasoo xirnaa dharka cad-cad ee ay ciidamada badda Soomaaliya caanka ku yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya