Dad Xaalado Cafimaad-darro Awgeed ugu geeriyooday deegaanka Xaramka ee Gobolka Jubada Dhexe

Sabti, Feberaayo 11, 2012 (HOL) − Wararka aynu ka heleyno deegaanka Xaramka oo katirsan gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in dad gaaraya sideed qof oo isugu jira haween iyo caruur ay ku geeriyoodeen, kuwaasoo u geeriyooday cudurrada Jadeecada iyo Nafaqa-darrada.

Dadka xaaladaha caafimaad darro u geeriyooday ayaa waxa laga keenay tuulooyin yar yar oo ka kala tirsan gobollada Jubada Dhexe iyo Shabeelada Hoose si ay adeeg caafimaad uga helaan deegaanka Xaramka, haseyeeshee adeegyadii caafimaad ee loo keenay Xaramka ayaa markii danbe laga waayay taasoo keentay in sideed qof ay u dhintaan xanuunadii lasoo darsay.

Ismaaciil C/shakuur Geedi oo kamid ah dadka ku dhaqan deeganaka Xaramka ayaa HOL u sheegay in ilaa sideed qof ay u dhinteen cudurrada Jadeecada iyo Nafaqo darrada, isagoona intaasi ku diray in ay jiraan dad kale oo weli la ildaran cudurradaasi.

Ismaaciil C/shakuur ayaa aad uga deeyriyay dawo la'aanta ka jirtay deegaanka Xaramka iyo deegaanada ku dhow dhow, xilli ay isa soo tarayaan dadka ay soo ridanayaan cudurrada, isagoona sheegay in ay aad uga fogyihiin degmooyinka leh goobaha caafimaad, islamarkaasina ay adagtahay in si fudud lagu gaarsiiyo dadka ay soo ritaan xanuunada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in nolosha dadka ku dhaqan deegaanada ku dhow dhow Xaramka ay tahay mid aad u liidato, isagoona sheegay in aysan heysan waxyaalaha aasaasiga u ah nolsoha, sida Caafimaadka iyo waxbarashada.

Deegaanka Xaramka iyo deegaanada ku dhow dhow ee katirsan gobollada Jubada Dhexe iyo Shabeelada hoose ayaysan ka jirin wax adeeg dhanka caafimaadka ah, iyadoona dadka halkaasi ku dhaqani ay yihiin dad xoolo dhaqato ah islamarkaasina aan awoodin qarash ay ku raadsadaan adeegyada caafimaad ee ay u baahanyihiin.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya