
Sabti, Feberaayo 11, 2012 (HOL) − In ka badan 150-haween ayaa maanta loogu qabtay magaalada Muqdisho siminaar halku dhigiisa ahaa dhiiri-gelinta nabadda iyo ammaanka dalka Soomaaliya, iyadoo ay ka qayb-galeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah.
Midowga dhalinyarada Soomaaliyeed ee UYS oo soo qaban-qaabiyay siminaarkan ayaa ka qayb-galayaashu waxay ku dheeraadaan ahmiyadda ay leedahay nabadda, xasilloonida iyo ammaanka bulshada.
Guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Deeqo C/qaadir Axmed oo furtay siminaarka ayaa ka hadashay nabadda iyo ammaanka muhiimada ay u leedahay bulshada, iyadoo xustay in haweenka dhibaatooyin badan uu kasoo gaaro dagaallada iyo amni darrada.
Sidoo kale, Xaawo Maxamuud Cali (Xaawo-kiin) oo ka mid ah guddiga haweenka ee UYS ayaa ka hadashay in dhallinyarada qalbigooda la dareensiiyo in dhaqankooda Soomaaliga ah ay bartaan, iyadoo ku baaqday in lagu koontaroolo dhaqankaas la baray.
Raxmo Daahir Maxamed oo iyaduna hadashay ayaa xustay in colaadaha, abaarta iyo macluusha dalka ku habsatay ay sababeen, iyadoo amarkii Alle oo la qaadan waayay, taasna ay keentay in la waayo raxmaddii Alle.
"Dilka iyo dhiiga muslimiinta ee la baneystay ayaa sabab u ah in, abaaro, colaad iyo macluuli ay dalkan ka dhacaan, haddii laga fogaan lahaa dhibaatooyinkaas oo dhan raxmada Alle lama waayeen," ayay tiri Raxmo Daahir oo xustay in dhibaatooyinkaas looga bixi karo in dadku ay Alle u laabtaan, ayna tacbadaan beerahooda.

Ugu dambeyn, waxaa ka hadlay siminnaarka, Luul Warsame Guuleed iyo Carfoon Wehliye Siyaad oo ka mid ah xubnaha guddiga haweenka UYS, waxay cambaareyn dusha uga tuureen qaraxii ka dhacay Hotel Muna ee lagu waxyeelleeyay dadkii rayidka ahaa, iyagoo sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka feejignaadaan dhibaatooyinka noocaas oo kale ah.
Jawaahir Baar-qab oo ka mid ah haweenka qurba-joogta ayaa iyana sheegtay in haddii qurba-joogta aysan ka qeyb-qaadan xal raadinta dalka ay dhici doonto in dalka galo marxalad adag, waxayna sheegtay in magaalada Muqdisho is-bedelka ka jira uu sabab u yahay bulshada oo saameeysay biseyl dowladnimo iyo isku xirnaan sidii ammaanka iyo nabadda looga shaqeyn lahaa.
Siminnaarkan ayaa ahaa wajigii saddexaad ee looga hadlayay dhiiri-gelinta nabadda iyo ammaanka, sidii bulshada qeybaheeda kala duwan ay door muuqda uga qaadan lahaayeen, waxaana ka qeyb-galayaasha ay ku ammaaneen hay'adda UYS dadaalka ay had iyo jeer ugu jirto sidii ay wax ugu qaban lahayd bulshada Soomaaliyeed.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya