
Jen. Maxamed Cali Samatar
Sabti, Feberaayo 11, 2012 (HOL) − Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay HOL in maxkamadeynta madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, Jen. Maxamed Cali Samatar ay ka billaabanayso bishan Feberaayo 21-keeda dalka Mareykanka.
Jen. Samatar ayaa loo haystaa inuu geystay xadgudubyo dhinaca bani'aadamka ah sannadihii sideetameeyadii oo ay Soomaaliya ka talinaysay dowladdii milateriga ahayd oo uu ka mid ahaa madaxdeeda sarsare.
Dacwadda Jen. Samatar ayaa soo jiitamaysay todobadii sano ee ugu dambeysay, iyadoo laba jeer oo hore uu rafcaan ka qaatay dacwooyinka loo haysto, iyadoo mid ka mid ah rafcaannadaas uu gaaray maxkamadda sare ee dalka Mareykanka.
Jen. Samatar ayaa kasoo qabtay dowladdii milateriga ahayd jagooyinka: ra'iisul wasaare, madaxweyne ku xigeen iyo wasiirka gaashaandhigga wuxuuna ka mid ahaa xubnihii sida aadka ah ugu dhawaa madaxweynihii Soomaaliya, Jen. Max'ed Siyaad Barre.
Eedeynta loo haysto ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa kusoo oogay Baashe Cabdi Yuusuf oo ku andacoonaya inuu Jen. Samatar mas'uul ka ahaa jir-dil loogu geystay Soomaaliya, iyadoo Baashe uu hadda ku nool yahay Mareykanka.
Dacwaddan ayaa waxaa laga yaaba inay albaabada u furto in xubno dhowr ah oo ka tirsanaa dowladdii Jen. Maxamed Siyaad Barre lagu soo oogo dacwado ka dhan ah xadguduyo ay u geysteen muwaadiniin Soomaaliyeed.
Jen. Samatar ayaa tan iyo markii ay dhacday dowladdii milateriga ahayd ee uu ka tirsanaa wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka, isagoo dhowr jeer oo hore iska diiday inuu galay dambiyo ka dhan ah bani'aadamnimada.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya