Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku geeriyooday Badda Cas kaddib markii ay Rogmatay doonidii ay ku safrayeen

Sabti, Feberaayo 11, 2012 (HOL) − Hay'adda qoxootiga adduunka ee UNCHR ayaa sheegtay in 11-qof oo tahriibayaal Soomaaliyeed ah ay dhinteen, 34-kalena lagu la'yahay badda kaddib markii toddobaadkii hore ay kula jabtay Gacanka Cadan doonidii ay ku safrayeen.

Doonida ayaa waxaa la socday 58-qof oo isugu jiray rag iyo dumar, kuwaasoo la sheegay inay ka cararayeen colaadaha ka jira Soomaaliya, waxayna UNCHR xustay in naaquudayaashii waday doonida ay 22 qof ka mid ah tahriibayaasha ku qasbeen inay badda isku tuuraan kaddib markii ay cilladi lasoo gudboonaatay matoorkii ay doonidu ku socotay.

Tahriibayaasha kale ayay hay'addu sheegtay inay doonida saarnaayeen illaa maalintii Arbacada ahayd ee lasoo dhaafay - markaasoo jawiga baddu xumaa iyadoo doontu ay ku dhacday dhagaxaan taasna ay keentay inay rogmato.

Hay'addu waxay sheegtay in 13 qof oo ka badbaaday shilkan oo ay ku jiraan laba haween oo waaweyn iyo wiil iyo gabar yaryar laga helay xeebaha Soomaaliya, iyadoo ay jirkooda ka muuqdeen gubasho uu sababay shidaal doonida saarnaa.

UNHCR iyo hay'ado uu ka dhexeeyo xiriir wadashaqeyneed ayaa sheegay in 13-ka qof ee badbaaday ay ka yimaadeen deegaanka Qow oo ka tirsan Boosaaso, iyadoo sheegtay in hadda dadkaas la daweynayo.

Maydadka 11-ka qof ee ku dhintay shilka ayaa kusoo caariyay xeeb deegaanka Ceelaayo ee Puntland ku dhow. Welina waxaa maqan sida ay hay'addu sheegtay 34-qof oo doonida la socday.

Ugu dambeyn, hay'adda UNCHR waxay sheegtay in sannad walba tobannaan kun oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan ay ka gudbaan badda cas iyagoo ka cararaya colaadaha iyo shaqo la'aanta ka jira dalalkooda.

Sannadkii lasoo dhaafay oo keliya in ka badan 100,000 oo qoxooti ah ayaa gaaray dalka Yemen si ay uga helaan magangalyo iyo nolol ka wanaagsan midda dalalkooda ay uga soo tageen, inkastoo Yemen ay ka jiraan kacdoono siyaasadeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya