Xoogagga Xarakada Al-shabaab iyo kuwa Dooxada Shabeelle oo xalay ku dagaallamay Magaalada Beledweyne

Sabti, Feberaayo 11, 2012 (HOL) − Dagaal waqti kooban socday ayaa saqdii dhexe ee xalay waxaa uu magaalada Beledweyne ku dhaxmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada maamulka Dooxada Shabeelle.

Dagaallka ayaa bilaawday kadib markii xoogagga Al-shabaab weerar ku soo qaadeen fariisin xaafadda Howl-wadaag ay ku lahaayeen ciidamada maamulka Dooxada Shabeelle ee gacan ku heynta magaalada ku wehliya kuwa Itoobiya.

Dhawaqa rasaasta culus oo ay isweydaarsanayeen labada dhinac ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah xaafaddaha magalada, gaar ahaan inta badan xaafadda Hol-wadaag oo ah halka uu dagaallku ka dhacay.

C/wali Xasan Jimcaale (Cowke) oo ka mid mas’uuliyiinta warfaafinta u qaabilsan Dooxada Shabeelle ayaa HOL u sheegay in la soo weeraray fariisin ay ku sugnaayeen ciidamadooda, waxaana uu intaa ku darray in khasaare xoog leh sida uu hadalka u dhigay ay gaarsiiyeen kooxihii soo weeraray.

"Waxaa ay soo weerareen fariisin ay joogeen ciidamada maamulka, siweyn ayaa leysaga caabiyay, khasaare xoog leh ayaana la gaarsiiyay," ayuu yiri C/wali Xasan oo ka hadlay dagaalkii xalay dhacay.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa qaarkood warbaahinta u sheegay in ay weerar sadax geesood ah xalay magaalada, waxaana ay sheegeen in khasaare ay gaarsiiyeen xoogaggii ay weerarka ku qaadeen.

Marka laga soot ago sheegashada labada dhinac ilaa hadda ma jiro war madax-banaan oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaallka xalay ka dhacay magaalada oo qeyb ka ah weeraro xig xigay oo sidan oo kale horay u dhaxmaray labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya