Sabti, Feberaayo 11, 2012 (HOL) − Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in macluushii ka jirtay Soomaaliya ay dhammaatay, iyadoo ku soo beegtay hadalkeedan toddobaad kaddib markii ay Qaramada Midoobay ku dhawaaqday inay macluushii Soomaaliya dhamaatay.
Macluusha Soomaaliya oo dad u badan caruur ay ku dhinteen ayaa waxaa lix bilood ka hor ku dhawaaqday Qarammada Midoobay, iyadoo sheegtay inay ku dhufatay lix gobol oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya oo ay Muqdisho ku jirto.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in dadkii kusoo barakacay abaaraha ay hadda billaabeen inay dib ugu laabtaan deegaannadii ay ka yimaadeen, si ay noloshooda dib ugu maareeyaan.
"Xukuumadda Soomaaliya waxay billowday in dadkii macluushu saameysay ay dib ugu celiso deegaannadii ay markii hore ka yimaadeen," ayuu yiri C/weli Gaas isagoo xusay inay rajeynayaan inay dadkaas noloshooda dib u dhisaan.
Kumannaan qof ayaa bartamihii sannadkii hore soo gaaray Muqdisho iyagoo kasoo cararaya deegaanno ku yaalla Koonfurta Soomaaliya oo ay abaaruhu saameyn xun ku yeesheen, waxaana gargaar u fidiyay dowlado ay ka mid yihiin Turkiga iyo Iiraan.
Madaxa Hay'adda cunnada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa sheegay todobaadkii hore in weli aysan dhammaan dhibaatooyinkii sababay macluushii ay u dhinteen dadka badan, isagoo sheegay inay weli jiraan dad badan oo weli u baahan gargaar.
Hay'adaha gargaarka qaarkood ayaa billabaay bishii Janaayo ee lasoo dhaafay inay siiyaan dadkii abaaraha kusoo barakacay raashin iyo lacago si ay dib ugu laabtaan deegaannadii ay kasoo barakaceen.
Qaar ka mid ah qoxootiga ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ku laabtaan deegaannadii ay ka yimaadeen si ay noloshooda dib uga billaabaan iyagoo u mahad-celiyay hay'adihii gargaarka siiyay intii ay ku sugnaayeen Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya