Daahfurka madasha Rajo oo lagu qabtay magaalada Nairobi (SAWIRRO)

RAJO13.jpg

Axad, April 29, 2012 (HOL) - Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha madasha Rajo ayaa xariga looga jaray madashaasi cusub oo noqon doonta dhaqdhaqaaq siyaasi ah oo ku soo biiray saaxada siyaasada  Soomaalida.

Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen in ka badan 400 oo qof ayaa haddana waxaa joogay madax kala duwan oo Soomaali ah.

Waxaana ugu horreyntii khudbadaha furay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macallim oo Soomaalida ugu baaqay inay soo ceshadaan sharaftooda lana xisaabtamaan shisheeyaha.

“Waxaa loo baahanyahay isla xisaabtan, waa sidoo kalana inaad la xisaabtantaan shisheeyaha, waddankaan adinka ayaa iska leh xaqna waxaad u leedihiin inaad ka shakidaan cidii idin soo faragalisa” ayuu yiri Faarax.
Faarax Macallim ayaa sidoo kalana ku waaniyay hogaamiyayaasha madasha Rajo inay dalka ka bilaabaan hawlgal ay ku dhisayaan hay’adihii dawladnimo.

RAJO7.jpg

“Waa inaad dhisataan baarlamaan iyo Garsoor xoog leh oo ilaaliya xuquuqda muwaadiniinta, waxaad u baahantihiin inaad dhisataan hay’adihii dawladnimo sharcigana aad ku dhaqantaan” ayuu yiri gudoomiye ku xugeenka baarlamaanka Kenya.

Ra’iisulwasaarihii ee Soomaaliya Cali Khaliif Gallaydh oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo qorshaha Raodmapka ee dalka laga fulinayo, uuna yahay Roadmapku mid Soomaalida lagu khasbayo.

Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, ahaana wasiirkii arrimaha dibadda, Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa isna ku tilmaamay gogosha ay madasha Rajo u fidisay waxgaradka iyo siyaasiyiinta Soomaalida ee xalay xariga looga jiray Rajo inuu yahay mid taariikhi ah oo ku soo aaday xilli dalka ay ka soconayaan is badallo xambaarsan rajo wanaagsan.

Dhanka haweenka Faadumo Axmed Caalin Cureeji oo xilal kala duwan kasoo qabatay dawladii hore ee Soomaaliya ayaa sheegtay in haweenku aysan rajo dhigin oo ay wali ku taamayaan dalkooda oo markale cagihiisa isku taaga.

Cureeji ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay mar walba diyaar u yihiin inay ka qaybqaataan dib u dhiska dalkooda iyo sidii la isugu soo dhawayn lahaa Soomaalida.

Ugu dambayntiina waxaa kulanka madasha Rajo soo xiray Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid ) oo kamid ah aasaasayaashii dhaqdhaqaaqaas oo sheegay in madashan ay ku midoobeen siyaasiyiin iyo ganacsato doonaya inay samata bixiyaan dalka.

Saacid ayaa sheegay in madashan ay bilaabeen sannadkii 2007 xilligaas oo ahayd markii ay dalka soo galeen ciidamada shisheeye.

“2007 -dii ayaan bilownay dhaqdhaqaaqan oo ahaa mid ay isku waraysan jireen oo ay ku wada tashan jireen dadka Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyay marxaladii uu markaas dalku ku sugnaa” ayuu yiri Saacid.
Waxaana uu Soomaalida ugu baaqay inay ka tashadaan aayaha dalkooda oo aysan eeda saarin oo kaliya shisheeyaha.

Saacid ayaa sidoo kalana ugu baaqay Soomaalida inay taageeraan DKMG ah ee haatan jirta ee haatan jirta si loo dhiso hay’adihii dawladnimo.

RAJO6.jpg

RAJO5.jpg

RAJO4.jpg

RAJO8.jpg

RAJO9.jpg

RAJO3.jpg

RAJO.jpg

RAJO12.jpg

RAJO11.jpg

RAJO2.jpg

RAJO10.jpg

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya

More News