Axad, Abriil 29, 2012 (HOL)- Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa afar gacan ku dhiigle ku xukuntay dil toogasho ah, ka dib markii hore loogu eedeeyey inay dilal toos ah ay ka sameeyeen gobolka Togdheer .
Heerarka Maxkamadda gobolka Togdheer ee kala darajadda sareysa ayaa afartan qof hore ugu soo xukuntay dil toogasho ah, waxaana go’aankii ugu dambeeyey soo saaray maxkamadda sare, iyadoo ku fulisay dil toogsho ilaa inta ay ka dhimanayaan.
Gudoomiyaha Maxkamadda sare Dr:Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa ku dhowaaqay go’aanka kama dambaysta ah ee xukunadda, waxaanu sheegay in markii ay eegeen kiiskan afartan qof ay ku xukuntay maxkamadda qisaas, iyadoo adeegsanaysa shareecadda islaamka iyo xeerka ciqaabta guud dastuurka Somaliland.
Xukunkan ayaa soo maray saddexda darajo ee maxkamadda gobolka Togdheer, waxaana markii dambe dib u eegis ku sameeyey guddiddda maxkamadda sare, kuwaas oo ayiday go’aanaddii ay ka soo saareen maxkamadda gobolka Togdheer, isla markaana ku xukumay afarta qof ba dil.
Xukunka dilalkan waxa goob joog ka ahaa eheladda gacan ku dhiiglayaasha iyo eheladii dadkii dhibanayaasha ahaa, waxaana aad loo adkeeyey amaanka maxkamadda gobolka Togdheer.
Guddidda maxkamadda sare ayaa kormeer hawleed ku maraya goboladda dalka, isla markaana qiimaynaya xukunadda ay maxkamaddaha goboladdu fuliyeen, waxaanay hadda hawl shaqo ku joogaan gobolka Togdheer ee Somaliland.
Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland