Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen kaddib bambooyin xalay lagu weeraray shineemo ku taalla degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka Tarabuunka.
Bambaabooyinka lagu weeraray shineemada oo ahaa laba ayaa la sheegay inay ku dhaceen gudaha shineemada oo ay xilligaas ku sugnaayeen dhallinyaro filimaan daawanayay, iyadoo kooxihii weerarka geystay aan la qaban.
"Weerarku wuxuu u muuqday mid qorsheysan, waxaan arkay dhimashada saddex qof iyo dhaawaca tobaneeyo kalena oo isla xalay loo qaaday isbitaallada," ayuu yiri mid ka mid ah dadkii shineemada ku jiray xilliga weerarku dhacayay oo saxaafadda la hadlay.
Saraakiisha booliiska DKMG ah ee degmada Hodan oo weerarkan ka hadlay ayaa ku eedeeyay Al-shabaab, iyagoo xusay inay kooxihii weerarka geystay baxsadeen, balse ay wadaan baaritaanno ku aaddan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.
Dhanka kale, saddex ruux oo rag ah ayaa xalay lagu dilay degmooyinka Wadajir, Howlwadaag iyo Huriwaa iyadoo kooxihii weerarkaas geystay oo ku hubeysnaa bastoolado ay baxsadeen.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa todobaadyadii ugu dambeeyay ka dhacayay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay khasaare kasoo gaartay dadka shacabka ah, xilli ay guddiga ammaanka DKMG ah sheeganayaan inay wadaan dadaallo ay nabadgalyada Muqdisho ku adkeynayaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya