Dagaallo Saf-ballaaran ah oo Xalay dhexmaray Ciidamada DKMG ah, kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab

Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Dagaallo saf-ballaaran oo xalay Muqdisho ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garbsanaya AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho, waxayna saameyn ku yeesheen dagaalladan saameyn ku yeesheen dadka ku nool deegaanka Xoosh ee degmadfa Dharkeynley.

Inta la ogyahay afar qof oo shacab ah oo uu ku jiro cunug yar ayaa ku dhihtay dagaalladii xalay, waxaana ku dhaawacmay toddoba ruux oo kale oo ahaa shacab, iyadoo ko dagaalka mas'uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab.

"Dagaalku saameyn weyn ayuu nagu yeeshay, inta aan aragnay afar qof ayaa ku dhintay dagaalka oo uu ku jiray wiil yar oo ay hooyadiisna dhaawacantay, waxaana ku dhaawacmay toddoba kale," ayay tiri haweeney ka mid ah dadka ku nool Kaxda oo ku taalla duleedka Muqdisho.

Hugunka madaafiicda iyo rasaasta ay labada dhinac u adeegsanayeen dagaalka ayaa laga maqlayay magaalada Muqdisho, waxaana saraakiil u hadlay DKMG ah ay sheegeen in dagaalku uu ahaa mid lagu carqaladeynayay ammaanka.

Dowladda KMG ah iyo Al-shabaab ayaa labaduba sheegay inaysan jirin khasaare kasoo gaarin dagaalladii xalay ciidamadooda, iyadoo dadkii rayidka ahaa ay soo gaareen dhaawacyada saakay loo qaaday isbitaallada Muqdisho.

Xarakada Al-shabaab oo ku xooggan deegaannada ku yaalla duleedka Muqdisho ayaa waxay inta badan weerarro kusoo qaadaan saldhigyada ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Dharkeynley iyo jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News