Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa war kasoo saakay dil loogu geystay deegaanka Isku-shuban ee gobolka Bari sarkaal u shaqeynayay shirkadda SARISAN oo Puntland ka taageerta dhinaca tababarrada ciidamada la dagaalanka burcadbadeedda.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda amniga Puntland ayaa lagu sheegay inuu dilku ka dhacay deegaanka Hul-Caanood oo ka tirsan Isku-shuban gallinkii dambe ee Jimcihii lasoo dhaafay uuna geystay askari ka tirsan ciidamada la dagaalanka burcad-badeedda Puntland kaddib markii isaga iyo sarkaalka uu muran soo dhex-galay.
Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Lodewyk Pietersen ayaa la sheegay inuu dhintay iyadoo lagu gudo-jiro howlgal laga sameynayo deegaanka Hul-Caanood oo horay fariisin ugu ahayd kooxaha burcad-badeeda ah.
"0Inkastoo aysan weli si rasmi u caddeyn qaabka iyo sida uu u dhintay Pietersen haddana waxaa la xaqiijiyay in falku uu dhacay markii la galay Hul-Caanood," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda ammaanka Puntland.
Sidoo kale, wasaaradda ammaanka Puntland waxay sheegtay in howgalka laga waday Hul-caanood uu ahaa mid ay ogolaatay dowladda Puntland, iyadoo falkan uu ahaa mid si nasiib-darro ah ku dhacay ayna dowladda Puntland u saarayso guddi baara dilka Pietersen.
Maamulka Puntland wuxuu tacsi u diray ehelladii iyo qoyskii uu ka geeriyoodey Mr. Pietersen oo 55-jir ahaa, waxaana bayaanka lagu sheegay inuu ahaa xaasle leh caruur iyadoo maydkiisa loo dhoofay Jabuuti halkaasoo looga gudbin doono dalkiisa si loogu aaso.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya