Isbahaysiga Isbaddel-doonka Soomaaliya oo soo saaray bayaan ku wajahan Geeddi Socodka lagu dhisayo dowlad Soomaaliyeed


Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Isbahaysiyada isbeddel-doonka Soomalaiyeed oo ay ku mideeysan yihiin ururro siyaasadeed iyo xisbiyo ay ka mid yihiin ayaa shalay soo saaray bayaan cinwaan looga dhigay - Geeddi socodka Dowlad-dhisidda Somalia.

Guddoomiyaha xisbiga nabadda iyo horumarka, Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu doonayo isbadel iyo hohgaan wanaagsan oo wax ka bedela dhaqan-xumida siyaasadeed ee dalka ragaadisay.

Bayaanka uu isbahaysiga soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay inuusan shaki ku jirin in Soomaaliya ay maanta marayso marxalaad siyaasadeed oo aad u adag, isla markaana ay muuqaallada siyaasadeed ee hadda jira ay yihiin kuwo dalka ku raagay.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in shaki weyni uu ku jiro hannaanka loosoo afjarayo isbeddelka siyaasadeed ee looga baaxayo xaalada ku meel gaarka ah, ayna awooddo shisheeye ku lug leeyihiin jaan-goynta talooyinka ummadda Soomaaliyeed.


Isbahaysiga waxay sheegeen in arrin laga xumaado ay tahay xaaladda uu ku sugan yahay baarlamaanka Soomaaliya, taasoo ay sheegeen inay ugu wacan tahay axdigii KMG ah oo laga tallaabsaday, waxayna sheegeen in taasi ay saameysay dhammaan hay'adaha dowladda.

Mar ay ka hadleen ergada shirweynaha iyo shaqadooda ayaa waxay soo jeediyeen arrimo ay ka mid yihiin: In dhaqanka iyo duubabka Soomaaliyeed ee siyaasadda ka madaxbannaan ay soo xulaan ergada shirweynaha. In ergada shirweynuhu noqdaan dad lagu soo xulay shuruudo la isla ogolaaday, kana yimaadaan beelaha Somalida lana hubiyo inay ka kooban yihiin dhammaan qaybaha bulsahada sida: dhalinyarada, culumaa'uddiinka, siyaasiyiinta, aqoon-yahannada, haweenka iyo qurba-joogta.

Xubnaha isbahaysiga waxay kaloo ka hadleen nidaamka awood-qaybsiga iyagoo sheegay inaysan Soomaaliya xal u ahayn qaabka 4.5-ka ah ee awoodda dalka lagu qaybsanayo, iyagoo sheegay inuu keeni karo sii kala fogaanshaha dadka Soomaaliyeed, waxayna soo jeediyeen si loo dowladnimadu u guuleysato in lagu tartamo karti, aqoon, iyo waaya-aragnimo.

Ugu dambeyn, waxay ka hadleen, wadahadallada Somaliland iyo DKMG Soomaaliya iyagoo soo dhaweeyay wadahadallada balse waxay ku taliyeen in dowladda KMG ah ay dib ugu laabato xulidda xubnaha uga qaybgalaya shirka, ayna soo xulato dad lagu yaqaanno Somalinimo, wadaninimo, karti, aqoon & madax-bannaani, aaminsana midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Xisbiyada bayaanka soo saaray ayaa waxay kala yihiin: Xisbiga Nabadda iyo Horumarka, Xisbiga Hiil-Qaran, Madasha Rajo, Ururka Haweenka HANAD, Midowga Ardayda Soomaaliyeed, Golaha Sare ee Dhallinyarad Qaranka iyo Xarunta Horumarinta iyo Mideynta Dhallinyarada.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News