Hay'adda Samofalka Turkiga ee Kimse Yok Mu oo u Mahadcelisay Deeq-bixiyeyaashii Taageeray Shacabka Soomaaliyeed


Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Hay'adda samofalka Turkiga ee Kimse Yok Mu ayaa u mahadcelisay deeq-bixiyeyaashii taageeray shacabka Soomaaliyeed xilligii ay jirtay abaartii macluusha dhalisay.

Kimse Yok Mu, ayaa abaabulshay dhowr olole oo deeqo loogu ururinayay shacbaka Soomaaliyeed, iyadoo Sabtidii shalay sameysay munaasabad ay ugu mahadcelisay dhammaan intii ka qaybqaatay caawinta shacabka Soomaaliyeed xilligii adkaa ee soo maray.

Waxay hay'addu si gaar ah ugu mahadcelisay shaqsiyaad iyo hay'ado ka saaciday sidii ay howlo samofal uga qayban lahayd Soomaaliya. Iyadoo shaqsiyaadka uu ka mid ahaa suxufi iyo qoraa u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo, Ertuğrul Özkök kaasoo lacag ku deeqay.

Hay'adaha loo mahadceliyay ayaa waxaa ka mid ahayd, TUSKON oo ah urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada iyo warshadleyda dalka Turkiga, nin majaajiliiste idaacadeed ah oo lagu magacaabo Mehmet Akbay iyo hay'ado kale oo fara badan.

"Shacabka Turkigu ma ahan kuwo mar walba bixiya sadaqo oo keliya, balse waxay leeyihiin hay'ado ay sii mariyaan sida Kisme Yok Mu," ayuu yiri Özkök oo hadal ka jeediyay munaasabadda mahadcelinta ah. Sidoo kale waxaa ka hadlay ciyaaryahan kubadda cagta ah oo u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Şükür isagoo uga mahadceliyay hay'adda Kimse howsha caawinta ah ee ay ka waddo Soomaaliya.

Arday Soomaaliyeed oo waxbarashada Injineeriyadda u jooga dalka Turkiga oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cali oo isna hadlay ayaa sheegay inaysan niyaddiisa ku jirin inuu deeq waxbarasho ka heli doono dalka Turkiga, balse ay ha'yadda Kimse Yok Mu uu uga mahadcelinayo waxbarashada uu helay.

Hay'adda Kimse Yok Mu ayaa waxay dalka Turkiga waxbarasho ugu qaadday 350 caruur Soomaaliyeed ah, sidoo kale waxay isbitaallo ka dhistay Muqdisho, iyadoo u qaybisa dadka barakacyaasha ah raashin qalala si ay ugu noolaadaan.

Dowladda Turkiga ayaa waxay ugu deeqday Soomaaliya 365-milyan oo doollarka Mareykanka tan iyo bishii Ogoosto sannadkii hore, waxaana mas'uuliyiinta Turkiga ay sheegeen in kaalmadooda aysan ahayn mid ay siyaasadi ka dambeyso, balse ay u jeedadu tahay sidii ay Soomaalida u caawin lahaayeen oo keliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News