
Axad, April 29, 2012(HOL): Waxaa xalay la soo gebagebeeyay qeybtii labaad ee tartankii hirgelinta heesaha kaasi oo lagu qatay magaalada Gävle ee dalka Sweden, iyadoo habeen hore uu tartankan si rasmi ah uga soo biowday Magaalada Örebro ee isla dalka Sweden.
Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso badan, isla markaana ay ku tartamayeen fannaaniin da’ yar oo doonaya in ay ka mid noqdaan fannaaniinta Soomaaliyeed ee la yaqaano. Tartanka oo bilowgiisa ay ka qeybgaleen 9 Fannaan ayaa waxaa ka haray labo fannaan, sidaasna waxaa ku soo baxay 7 fannaan u soo baxday tartamada soo socda.
Ururka Somali Idol ee tartankan hirgelinta heesaha qabtay ayaa wuxuu qorsheynayaa in uu magaalooyinka dalka Sweden oo tartamo kale ka qabto, kaddibna uu u sii gudbo magaalooyin kale oo dalalka Yurubta ka tirsan, iyadoo ugu dambeyntana tartanka final-ka lagu qaban doono dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya midkood.

Magaalada Gävle ee lagu qabtay ee qeybtii labaad ee hirgelinta heesaha lagu qabtay ayaa waxaa soo camiray dadweyne aad u faro badan oo ka kala yimid magaalooyinka ka tirsan dalka Sweden, iyadoo tartamayaashana ay ka kala yimid Sweden, Norway iyo Switzerland.
Waxaa xusid mudneyd in madashii xalay ay heeso aad loo jecleystay ka qaadeen fannaaniin aan iyagu tartanka ka qeybgelin balse codsaday in ay heesaan. Sidoo kale Abwaan Mustafa Shiikh Cilmi, Sayid Khaliifa iyo Bashiir Cali Xuseen ayaa iyaguna heeso wadani iyo jaceyl isugu jira ka qaaday madasha.

Tartankan hirgelinta heesaha ayaa wuxuu yahay midkii ugu horreeyay ee la qabto tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya, iyadoo la xusuusan yahay in tartankan xiligii berisamaadka lagu qaban jiray Soomaaliya, isla markaana ay ku soo baxeen fannaaniin faro badan oo caan ka ah dhulka ay dadka Soomaalida ah degaan.

Dhinaca garsoorka waxaa tartamayaasha u kala xaq-soorayay guddi afar xubnood ka kooban, kuwaasi oo ah dad ahal u ah fanka Soomaaliyeed, waxayna xubnahaas kala yihiin:
Abwaan Mustafa Shiikh Cilmi
Sayid Khaliifa
Bashiir Cali Xuseen
Iyo Axmed Saalax Qaasim











Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]