Diyaarad Rakaab sidday oo ku burburtay Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo kaddib markii ay Jidka ka baxday

Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Diyaarad rakaab kasoo qaaday magaalada Hargeysa ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo gallinkii dambe ee shalay, kaddib markii ay si lama filaan ah uga baxday jidkii ay ku cararaysay, iyadoo diyaaraddu ay laba u kala jabtay.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo la hadlay VOA-da ayaa xusay in diyaaradda oo ay lahayd shirkadda Jubba Airways ay ka baxday waddadadii ay ku cararaysay ayna laba qaybood u kala jabtay.

"Diyaaradda waxay ka timid Hargeysa waxaa la socday 40-rakaab ah, markii ay jidka soo cago-dhigatay ayay jidka ka baxday waxayna u kala jabtay laba qaybood," ayuu yiri maareeyaha garoonka Gaalkacyo Aadan C/raxmaan.

Sidoo kale, maareeyuhu wuxuu sheegay in rakaabkii diyaaradda la socday ay ka badbaadeen shilka, marka laga reebo gabar ka mid ahayd rakaabka oo gacani ay jug ka gaartay, iyadoo rakaabkii diyaaradda la socday dibadda loo soo saaray.

Diyaaraddan oo nooceedu ahaa Antinov 24 ayaa la sheegay in shilkeeda uu yimid kaddib markii mid ka mid ah taayirradeeda dambe uu qarxay, taasoo keentay inay dhinac u buurato dabadeedna kala jabto.

Maamulka garoonka diyaaradah Gaalkacyo ayaa waxay sheegeen inay baaris ku wadaan sababtii shilka keentay, iyagoo sheegay in shilkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ka dhaca garoonka Gaalkacyo oo dhawaan loo bixiyay garoonka diyaaradaha C/llaahi Yuusuf.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News