Sheekh Axmed Madoobe oo Kormeer kusoo maray Furimaha Dagaalka ee ay ku sugan yihiin Dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni


Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha ururka Raaskaambooni ee ka dagaalama Jubbooyinka, Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta booqasho ku tagay furimaha hore ee dagaalka, isagoona goobahaasi kula hadlay cutubyo katirsan ciidamada ururka Raaskaambooni.

Sheekh Axmed Madoobe iyo wafdi la socday ayaa ka ambabaxay deegaanka Qooqaani waxaana ay booqasho kusoo mareen Degmada Badhaadhe, Deegaanka Kulbiyow, Buugaabo iyo Raaskaambooni, oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale saraakiisha ciidan ee ku sugnaa goobihii uu booqday ku wareejiyay mushaaraadkoodii, isagoona sidoo kale ugu baaqay in ay dardar geliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan gobollada Jubooyinka.


Ururka Raaskaambooni ayaa kamid ah garabyada kasoo horjeeda Al-shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya, waxaana ururkani uu hore uga tirsanaan jiray dhaqdhaqaaqii Xizbul Islaam ee uu gudoomiyaha ka ahaa Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Ciidamada Dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ayaa kusugan qeybo katirsan Jubooyinka oo ay kala wareegeen xoogagga Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya

More News