Kooxo hubeysan oo Toogasho ku dilay Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG iyo Iskahorimaad dhexmaray Ciidammo kale

Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay saddex askari oo ka tirsan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena dagaal dhexmaray askar ka tirsan ciidamada dowladda uu ku dhintay hal qof halka ay shan qof oo kalena ku dhaawacmeen.

Askarta la dilay ayaa ku sugnaa isgoyska Maanaboolyo ee degmada Boondheere iyadoo kooxihii dilay ay goobtaas ka baxsadeen sida ay dad goobjoogayaalo ah u sheegeen warbaahinta.

"Waxaa isgoyska Maanaboolyo lagu dilay saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah, waxaana toogtay kooxo bastoolado ku hubeysan oo goobta ka baxsaday," ayuu yiri goobjooge ku suganaa isgoyska xilliga uu falku dhacayay.

Goobjoogaha ayaa sheegay in askarta la dilay maydadkooda loo qaaday isgoyska Fagax, lamana oga in ciidamada la dilay ay hub wateen iyo in kale, waxaase falkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo kooxo hubeysan ay mar qura ku dilaan saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Dhanka kale, iskahorimaad ciidammo kawada dowladda KMG ah ku dhexmaray agagaarka Tarabuunka Muqdisho ayaa waxay sababtay dhimashada qof rayid ah iyo dhaawaca shan kale oo ay ka jireen qaar ka mid ah askartii uu dagaalku dhexmaray.

Iskahorimaadka dhexmaray ciidamada ayaa wuxuu ka dhashay markii askar ka mid ah kuwa dagaalamay ay isku dayday inay boobaan raashin loo qaybinayay dad barakacayaal ah, iyadoo ay ka hortageen ciidamada doonayay inay gargaarka dhacaan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo kordhaya maalmihii ugu dambeeyay dilalka qorsheysan ee ay geysanayaan kooxaha hubeysan, qaraxyada kuwaasoo ay kasoo gaarto khasaaraha ugu badan dadka shacabka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News