
Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenysa ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay 10-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen bam-gacmeed maanta oo Axad ah lagu weeraray kaniisad ku taalla bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Weerarkan ayay saraakiisha booliiska Kenya waxay mas'uliyaddiisa ku eedeeyeen Xarakada Al-shabaab, waxaana xilliga weerarku dhacay ku sugnaa dad masiixiyiin ah oo ku cibaadeysayay.
"Hal qof ayaa dhintay, toban qof oo kalena way ku dhaawacmeen," ayuu yiri afhayeenka booliiska Kenya, Eric Kiraithe, iyagoo sheegay in kuwii weerarka ka dambeeyay ay baxsadeen.
Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda tahay weerarkaas, iyadoo saraakiisha Kenyan ay sheegeen in weerarkan uu jawaab u yahay faragelinta ay ciidamada Kenya ku sameysay dalka Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

Bishii Maarso ee sannadkan ayaa bambooyin lagu weeraray goob basaska laga raaco oo ku taalla bartamaha Nairobi waxaa ku dhintay lix qof, iyadoo ay dhaawacyo kasoo gaareen 60-qof oo ka mid ahaa dadkii basaska sugayay.
Sidoo kale, bishii lasoo dhaafay hal qof ayaa ku dhintay 20-kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray bambaabooyin lagu weeraray kaniisad iyo goob ay ku sugnaayeen dad masiixiyiin ah oo ku taalla magaalada Mombassa ee dalka Kenya iyo magaalo ku dhow.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii safaaradda Mareykanka ee Nairobi ay ka digtay weerarro qaraxyo ah ka dhici karaan magaalada Nairobi kuwaasoo ay sheegtay inay ka geysan karaan xoogagga Al-shabaab.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya