Dowladda KMG Soomaaliya oo ku adkeysanaysa inay Ansixinayso Dastuurka iyadoo la dalbanayo in ansixintiisa dib loo dhigo

Axad, Abriil 29, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya, uuna dhawaan billaaban doono shirkii loogu talogalay ansixinta dastuurka.

Wasaaradda dastuurka, arrimaha federaalka DKMG ah ayaa sheegtay in maalmahan lasoo dhameystirayo odayaashii ka qaybqaadan lahaa doodda dastuurka markaas kaddibna la ansixin doono, waxaana mas'uul u hadlay wasaaradda uu sheegay in wixii khalad ah ee jira lagu sixi doono kulanka.

"Waxaan rajeynaynaa in bisha soo socota kowdeeda la billaabo shirka, maalmaha ka harsanna lasoo dhameystiro ergadii ka qaybgeli shirka oo tiradoodu tahay 825-ruux oo ka imaanaya gobollada dalka oo dhan," ayuu yiri wasiir u dowlaha wasaaradda dastuurka, Xasan Maxamed Jimcaale.

Sidoo kale, wasiir u dowluhu oo ka hadlay dhaliisha dastuurka loosoo jeedinayo ayaa sheegay inaan loosoo marin jidkii habboonaa, isagoo xusay in khaladaadka ku jira dastuurka lagu sixi doono kulanka markaas kaddibna codka loo qaadi doono dastuurka.

"Waxaan ku talinaynaa in laga digtoonaado qalqal gelinta horumarka la hirgsanayo, dowladda KMG ah waxay u taagan tahay u adeeggidda shacabkeeda lamana ogolaanayo in dalka iyo dadka loo horseedo dib u dhac," ayuu wasiir u dowluhu yiri mar kale.

Ugu dambeyn, wasiir-u-dowlaha wuxuu sheegay in dastuurka uusan ahyan mid kasoo horjeeda diinta islaamka, balse isaga oo dhan lagu saleeyay diinta sidaa daraadeedna uu yahay dastuur dhinac walba laga eegay.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhaliiilo kala duwan loosoo jeediyay dastuurka cusub ee Soomaaliya, iyadoo dhaliishii ugu dambeysay ay shalay kasoo baxday hay'adda culummada Soomaaliyeed, iyadoo hay'addu ay dalbatay in dib loo dhigo ansixinta dastuurka inta laga saxayo khaladaadka ku jira dastuurka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News