Ciyaaraha Xagaaga Sweden oo meel xasaasi ah maraya (DAAWO SAWIRRO)


Kooxda Xiddigaha Rågsue (Sweden)

Arbaci, 20 July 2011(HOL): Ciyaaraha Xagaaga ee sanad walba xiligan oo kale lagu qabto garoonka Spånga IP ee magaalada Stockholm ayaa waxay marayaan meel xasaasi ah, iyadoo ay wareegga 8-da ee lagu kala harayo uu meel dhexe marayo.

 

Shalay waxaa ciyaaray Kooxaha Leicester (UK) iyo Dahabshiil (Norway), waxaana soo baxday Kooxda Qaran. Kooxaha Qaran (Sweden) iyo Olympic Amaga (Denmark) oo wada ciyaarayna  waxaana  soo baxay Kooxda Qaran.

 

Maanta waxaa wada ciyaaray Kooxaha Australia (Australia) iyo Sonpetry (Finland), waxaana soo baxay Kooxda Sonpetry. Sidoo kale ciyaar isla maanta dhacday ayaa waxay dhexmartay Kooxaha Xiddigaha Rågsue (Sweden) iyo Wadani Denmark, waxaana soo baxay Kooxda Xiddigaha Rågsue.

Kooxda Wadani (Denmark)
 

Maalinta berri ah waa la nasayaa oo wax ciyaar ah ma jiraan, hayeeshee maalinta ku xigta ayaa waxaa bilaabaya ciyaaraha semi-final-ka oo ay isugu soo hareen Kooxaha Qaran, Leicester, Sonpetry iyo Xiddigaha Rågsue. Kooxaha soo baxay ayaa waxay kala yihiin:
 

Leicester (UK) iyo Sonpetry (Finland)

Qaran (Sweden) iyo Xiddigaha Rågsue (Sweden).

13 Kooxood oo tartanka ka soo qeybgalay ayaa waxay kala yihiin:

 

WADDANKA AY SOCDAAN

TIRADA KOOXAHA KA SOCDA

Dalka Britain

Ilamoos, Leicester, Nabadda iyo Horseed

Dalka Sweden

Xiddigaha Rågsue iyo Qaran

Dalka Denmark

Olympic Amaga iyo Wadani

Dalka Finland

Sonpetry

Dalka Norway

Dahabshiil iyo Stavanger

Dalka Australia

Waaberi

Dalka Switzerland

Switzerland






 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]