Qaramada Midoobay oo si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay macluuli ka dillaacday Soomaaliya (SAWIRRO)

 


Arbaco, July 20, 2011(HOL) Qaramada Midoobay ayaa xaalad deg-deg ah oo macaluuleed ugu dhawaaqday gobollada Bakool iyo Shabeellaha Hoose oo ay sheegtay in ay dadka deegaannadaas ku nool yihiin xaaladda ugu adag ee abaarta saamaysay Soomaaliya.

Mark Bowden oo ah sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo maanta  shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in nafaqo-darrada Soomaaliya ka jirta ay tahay midda ugu daran ee adduunka isla markaana ay si halis u sii faafayso bilaha foodda inagu soo haya.

"Haddii aannaan hadda tallaabo qaadin, macaluushu waxay ku faafaysaa dhammaan sideed gobol ee Koonfurta Soomaaliya, taasoo ay keenayso dalaggii oo aan soo go’aynin iyo faafitaanka xanuunnada,” ayuu yiri Mr. Bowden.

"Mid kamid ah saddexdii carruur ah waxaa uu la ildaranyahay nafaqo darro ka dhalatay cunni yarida taasoo naftooda halis galinaysa”. Ayuu tilmaamay.

"Si kabadan sidii hore dadka Soomaaliyeed waxay u baahanyihiin una qalmaan inaan diiradda saarno, haddii aan nahay kuwa deeqda bixiya ,haddii aan nahay kuwa gargaarka bini’aadannimo iyo haddii aan nahay kuwo ku dagaallamaya Soomaaliya”. Ayuu sii raaciyay Mr. Bowden.

Qoraal isna ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu yiri “ Guud ahaanba dalka, in ku dhow kala bar shacabka Soomaaliya oo gaaraysa 3.7 milyan ayaa ku jira xaalad aad u adag, kuwaasoo 2.8 milyan oo kamid ah ay ku noolyihiin koonfurta dalka”.

Marka la isu geeyo 10 milyan oo qof ayay qaramada midoobay sheegtay inay u baahanyihiin gargaarka bini’aadannimo si looga hortago in macaluushu ku faafto guud ahaanba dalka Soomaaliya.

Qaramada midoobay waxaa ay sheegay in 500,000 oo carruur Soomaaliyeed ah ay qarka u saaranyihiin inay u geeriyoodaan nafaqo darrada iyo xanuunnada faafa .

Waxaana Qaramada Midoobay ay ku baaqday in gurmad degdeg ah la gaarsiiyo dadka ay saamaysay macluushu.

Digniinta ay qaramada midoobay maanta kasoo saartay xaaladda dadka tabaalaysan ee Soomaaliya ayaa noqonaysa middii ugu sarreysay ee ay soo saarto tan iyo markii ay soo baxeen wararka iyo muuqaallada naxdinta leh ee dadka ay macaluushu haleeshay oo ay ka muuqato diifta iyo xaaladda bini’aadannimo ee ay ku noolyihiin.

Abaarta ka taagan Soomaaliya oo ah mid naxdin ku reebaysa muwaaddinka Soomaaliyeed ayaa looga fadhiyaa Soomaalida inuu qof walba uu bixiyo wixii uu awoodo si aan loo sugin oo kaliya gargaar uga yimaada dadka dhibaataysan hay’adaha shisheeye.


Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya