Arbaco, July 20, 2011(HOL) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali ayaa si rasmi ah u magacaabay golaha wasiirrada ee xukuumadda cusub.
Golaha Wasiirrada
1. Mudane Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bille), waxaa loo magacaabay - Wasiirka Wasaaradda Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta.
2. Mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim, waxaa loo magacaabay - Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda.
3. Mudane Xuseen Carab Ciise, waxaa loo magacaabay - Ra’iisu-Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.
4. Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif , waxaa loo magacaabay - Ra’isul-Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.
5. Mudane Cabdisamad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan, waxaa loo magacaabay - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka.
6. Mudane Dr. Cabdinaasir Maxamed Cabdulle, waxaa loo magacaabay - Wasiirka Waasaaaradda Maaliyadda & Lacagta.
7. Marwo Caasho Cismaan Caqiil, waxaa loo magacaabay - Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska.
8. Mudane Cabullaahi Xaaji Xasan Maxamed Nuur, waxaa loo magacaabay - Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Xannaanada Xoolaha
9. Mudane Dr. Cabdicasiis Sheekh Yuusuf, waxaa loo magacaabay - Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
10- Mudane Cabdulqaadir Maxamed Axmed, waxaa loo magacaabay - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta
11. Mudane Maxamed Muxiyadiin Sheekh Mursal, waxaa loo magacaabay - Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Dhallinyarada & Isboortiga
12. Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ibraahim, waxaa loo magacaabay - Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga, Kheyraadka Badda & Bay’adda
13. Mudane Aadan Cabdullaahi Aadan, waxaa loo magacaabay -Wasiirka Wasaaradda Gaadiidk Circa, Dhulka, Badda & Dekadaha
14. Mudane Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, waxaa loo magacaabay - Wasiirka Wasaaradda Dastuurka & Dib-u-heshiisiinta
15. Mudane Jaylaani Nuur Iikar, waxaa loo magacaabay - Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeenta & Dib-u-dhiska
16. Mudane Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow, waxaa loo magacaabay -Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Biyaha & Batroolka
17. Mudane Prof. Axmed Caydiid Ibraahim, waxaa loo magacaabay - Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaaha & Tacliinta Sare.
18. Madane Cabdullaahi Goodax Barre, waxaa loo magacaabay - Wasiirka Wasaaradda Qorsheenta & Iskaashiga Caalamiga
Liiska golaha wasiirrada ee cusub ayaa gabi ahaanba aysan ka dhex muuqan wasiirradii xukuumaddii Ra'iisul wasaarihii hore farmaajo oo Soomaalidu ay ku ammaaneen waxqabad la taaban karo inay samaysay muddadii yarayd ee ay shaqeynaysay.
Golaha wasiirrada cusub ee maanta lagu dhawaaqay ayaa la horgayn doonaa baarlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado.
Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya