
Arbaco, July 20, 2011 (HOL) – Dood looga hadlay sidii Bulshada Soomaaliyeed ay ugu dhaqmi lahayd diinteeda iyo dhaqankeeda ayaa maanta loogu qabtay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho. Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed kaasoo ay soo qaban-qaabisay Midowga dhalinyarada Soomaaliya (UYS).
Hay’adda UYS oo dood-cilmiyeedka ay ku lafa gureysay sidii bulshada ay aragti mideysan ula imaan lahaayeen, si loo samata bixiyo shacabka Soomaaliyed ee dhibaatadda mudada 20-ka sano ku jirta ku raagtay ayaa waxay Odayaasha ay ahaayeen kuwo fikirkooda ku cabirayay wadciga haatan lagu jiro.
Abuukar Sheekh Cusmaan (Abuukar Ganey) oo ah Gudoonka Gudiga Beesha H/gidir oo furitaanka dood cilmiyeed hadalo ka jeediyay ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhaqanka Soomaaliyed uu la yimaado karti iyo door ku saabsan sidii uu kaalin mug leh uga qaadan lahaa xal u helida colaadaha.
"Sideedaba Colaadaha waxay u kala baxaan labo qeybood, qeyb waa colaada miyiga ee dadka isla dega ee markee naq isla raacaan ay isku qilaafaan marka baliyada iyo ama waraha ama daaqa la isku qabsato oo colaad ay ka dhalato, intaas oo idil xalinteeda waxaa u kaca deegaanka iyo dhaqanka iyo odayaasha, waxaan leenahay odayaasha waa inay sii laba jibaaraan dadaalkooda oo walaalaha colaada u dhaxeeya ay colaadooda xal ka keenaan"ayuu yiri Abuukar Ganey.
Sidoo kale Abuukar Ganey ayaa sheegay in dagaalka hada jira uu yahay mid siyaasadeysan oo gacmo shisheeye ku lug leeyihiin, isla markaana kuwa gudaha ka wado ay yihiin kuwo aan dan u wadin shacabka.
Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) ayaa sheegay in dhibatooyinka colaadaha ee dalka ka jira ay dano shisheeye ku lug leeyihiin, isagoo cadeeyay in Shabaab aanay Soomaaliya laga aas aasin, balse dibada laga soo minguuriyay, fikradeeha iyo siyaasadeeda.
"Dhibaatada dalka ka jirta ma ahan wax u sabab in dhexdeena kaliya is heysano, wax dibada nagula soo minguuriyay ayaa ku leh, xaqiiqdu waxay tahay in kooxda Al-Shabaab ay tahay koox go'aankeeda iyo hadafkoodu uu dibadda ka xirmo" ayuu yiri Cali Seeko.
Cali Seeko ayaa xusay waxa ay wadaan Shabaab aanay aheyn fikir soomaaliyed iyo fikir diin ah, waxaana uu intaa raaciyay in Jihaadka ay sheegaan inuusan aheyn wax jira, isla markaana raga madaxdooda ay caruurtooda dibada u dirsadeen, kuwa aysan dhalina ay ku qalqaaliyaan inay is qarxiyaan.
Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo isna ka hadlay siminaarka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in abaaraha dalka ka jira ay yihiin kuwo si weyn u saameysay Gobolada oo idil, gaar ahaan Gobolada koofur galbeed, waxaana uu intaa raaciyay in dadka soomaaliyed inay gurmad u fidiyaan dadka.
"Abaaraha waa la kala hormaray, gaar ahaan reer miyiga ayaa saameyn ku yeeshay, dadka haloo gurmado, hadii Al-Shabaab manta ay dhaheen gaal iyo muslim ha soo gurmadeen, iyagiiba dan baa biday, Hey’adaha sama falka yaan dadka lagu haleyn"ayuu yiri Axmed Diiriye.
Sidoo kale Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo ka mid ahaa cuqaasha ka qeyb galay ayaa sheegay in loo baahan yahay in shirka wada tashiga laga tala geliyo Odayaasha dhaqanka, isla markaana lagu qabto Caasimada, waxaana uu xusay in Qaramada Midoobey ay go’aan cad ka gaarto, waxaana uu cadeeyay in Garowe lagu qabto munaasib aheyn.
Caaqil Xasan Cilmi Yaxye ayaa sidoo kale tilmaamay in Dastuur u sameynta dalka laga tala geliyo odayaasha, waxaana uu ka digay in dastuurka la sameynayo inuu noqdo kuwo aan shacabka taladooda lagu qaadin.
Waxaa kaloo dood cilmiyeed ka hadlay Nabadoonada C/llaahi C/lle Wehliye iyo Maxamed Jaamac Dirir oo sheegay in talada Odayaasha dhaqanka uu yahay marjicii dib loogu laabanayay, isla markaana muhiimad gaar ah la siiyo in talada la wadaago, si ay wax u hagaagaan.
Ugu dambeyn waxaa siminaarka soo xiray Gudoomiyaha Hey’adda UYS Ciise Xasan Diinax ayaa uga mahad celiyay ka qeyb galayaasha dood cilmiyeedka, sida ay fikiradooda ugu cabireen xaalada dalka lagu jiro, isagoo ka dalbaday in waxyaabihii ay ka faa’ideysteen ay gaarsiiyeen bulshada kale.
Mr. Ciise Diinax ayaa tilmaamay in Hey’addiisa aanay ka daalin doonin qabashada siminaarada aqoon kororsiga iyo wacyi gelinta tan iyo inta dalka lagu soo dabaalayo nabadgelyo iyo xasilooni, waxaana uu tibaaxay in bulshada ay yihiin kuwo xalka dalka keeni kara.
Waxaa ugu dambeyn Gudoomiyaha ku baaqay in la gar gaaro dadka abaaraha saameeyay, isagoo ka codsaday in shacabka Soomaaliyed ay kaalmooyin gaarsiiyaan, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Hey’addiisa ay kaalin weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha, isagoo tilmaamay in horay kaalmooyin gaarsiiyeen, haatana ay ku talo jiraan inay gar gaar la gaaraan.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya