
Arbaco, July 20, 2011(HOL) - Hay’adda (SADO) oo ka hawlgasha gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa bilowday gargaar ay u fidinayso dadka ay abaartu ku dhufutay ee ku dhaqan degmada Saakow oo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe.
Degmada Saakow waa meelaha ay aadka u saamaysay abaarta ku dhufatay dalka Soomaaliya, iyadoo ay hay’addu gaarsiisay 890 qoys oo tabaalaysan, raashin isugu jira bariis,bur,saliid,sonkor iyo caleenta shaaha oo qoyskiiba la gaarsiiyay 95 kg oo bariis ah, 5 liter oo saliid ah, 10 kg oo sonkor ah, 5 kg oo bur ah, 0.5kg oo caleen ah iyo 1.5 kg oo cusbo ah, raashinkaas oo muddo bil ah hayn kara qoys lix qof ka kooban.
Hay’addu waxaa ay samaysay cunno qaybintan iyadoo la kaashanaysa hay’adda caalamiga ah ee ACTED sida uu Hiiraan Online u xaqiijiyay Aadan Xassan Barre oo ah madaxa hay’adda SADO.
Cunno qaybin aan shuruud ku xirnayn ayay hay’addu wadi doontaa bilaha July, August iyo September ee sannadkan, iyadoo muddada xaaladdan degdegga ah lagu jiro la gaarsiin doono raashinka qoysaska ay abaartu barakicisay ee ku nool xaaladaha aadka u liita.
Hay’adda SADO waxaa ay tilmaantay in hawlaha gargaarka bini’aadannimo loo baahanyahay inay iska kaashadaan hay’adaha dawliga iyo kuwa maxalliga ah si looga hortago inay gaajo u dhintaan dadka ay xaaladoodu darantahay.
Gurmadka ay bilowday SADO ayaa imaanaya xilli abaartii ugu xumayd muddo ka badan 50 sano ay saamaysay inta badan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka geeska afrika.


Axmed Cabdisamad,Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya