Xukuumadda Somaliland oo dalbatay cashuurta laga qaado marinada Hawada ee Somaliland

Arbaco, July 20, 2011 (HOL) – Wasiirrka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay inay Xukuumaddoodu wad-hadal ka gashay sidii ay Somaliland u heli lahayd lacagta laga qaado marinnada hawada Somaliland.

Wasiirka Duulista Hawada Somaliland oo ka hadlayay Casho-sharaf uu ku qaabilay Koox dhalinyaro ah oo Ciyaartoyda Qurba-joogga Somaliland ka mid ah, waxa uu sheegay in dedaal dheeraad ah ugu jiraan sidii ay u soo celin lahayd Xukuumaddu Cashuurta Hawada ee Somailand, "Waxa la yidhi fule xantii ma mooga, waananu ognahay in aad na loo caayo oo la yidhaa.. Daahir Dabadii Dabba lama shidan, taasna waxa la ogaan doonaa marka aanu wax qabadka Xukuumada ee sanadka soo bandhigno, wax qabadkii Xukuumadda iyo Wax soo saarkii ay sameysay mudadaasi ay jiratay, markaas ayey kala cadDaan doontaa in aanu Qaranka dhisnay iyo in aanu bakhtiinay," ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, "Waxaa jirta in Cashuurtii Hawada Soomaaliya oo dhan dadbaa qaata oo Nairobi ayaa lagu maamushaa, inaga (Somaliland) waxba la inagama siiyo, faro guud koodbaa inaga soo gaadha."

Mar uu Wasiirku ka hadlayay Shir ay arrintaasi ka yeesheen oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxa uu yidhi, "Shir baanu Nairobi ku kulanay waxba isulamaanu hadhin, waxaanu ku nidhi waar qaybtadaya na siiya. Waxaanu ku talo jirnaa in cashuurtaasi aynu helno saamigeena, waayo hadii aanad hadlin oo aanad wax la qaybsan Umadda waxaad ku dhacaysaa cidlo ah."

Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland