Arbaco, July 20, 2011 (HOL) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay gargaar la gaarayso shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka, kuwaasoo ay sheegtay inay ku habsatay abaartii ugu ba'nayd muddo 60-sano ah.
Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Afrika Johnnie Carson oo shir jaraa'id ku qabtay Washington Arbacada maanta ah ayaa sheegay in in abaaraha ka taagan Geeska Afrika ay culeys saartay 11-milyan oo qof.
"Saddex milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa u baahan gargaar bani'aadamnimo oo deg-deg ah, taasoo ay u sii dheer tahay boqolaal kun oo ku barakacsan gudaha dalka, tiradan cusub ee ku biirtayna ayaa xaaladda sii adkeysay," ayuu yiri Carson.
Inkastoo uu si guud uga hadlay abaaraha ka taagan bariga Afirka ayuu haddana si gaar ah wuxuu farta ugu goday dadka ka cararaya abaaraha Soomaaliya ee ku qulqulaya xeryaha qoxootiga ee ku yaalla dalalka Kenya iyo Itoobiya.
"Abaaraha geeska Afrika ku dhuftay waxay saameyn xooggan ku yeesheen dalka Soomaaliya, waana tan keentay inay dad badan oo Soomaali ah maalin walba ay gaaraan xeryaha qoxootiga ee Kenya iyo Itoobiya," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Mr. Carson ayaa sheegay in dhibaatada Soomaaliya ay saddex waxyaaboob sabab u yihiin, kuwaasoo uu ku kala sheegay: Dhibaatada xagga cimilada iyo roob la'aanta ee labadii sano ee ugu dambeysay ka jirtay gobolka. Dalka Soomaaliya oo aysan ka jirin labaatan sano dowlad dhexe oo shaqeysa iyo Xarrakada Al-Shabaab oo gacanta ku haysa inta badan Koonfurta Soomaaliya una diidday hay'aduhu inay dadka gaarsiiyaan gargaarka ay u baahan yihiin.
Mar uu ka hadlya mowqifka Xarrakada Al-shabaab ee ku aaddan in dib loo fasaxay hay'adaha gargaarka iyo sida ay u arkaan ayuu sheegay inay tahay in mowqifka Al-shabaab la xaqiijiyo ama la hubiyo.
"Waan aragnay warbixintii ay Al-shabaab dhawaan ku sheegtay in hay'adaha gargaarka ay u ogolaanayso inay gargaar gaarsiiyaan dadka ku nool goobaha ay ka taliso, waxaana hay'adaha gargaarka ee halkaas ka howgeli jiray u sheegaynaa inay iska xaqiijiyaan go'aanka," ayuu yiri Carson.
Sarkaalkan wuxuu sheegay in haddii mowqifka Al-shabaab uu sax yahay ay iyaga oo Mareykanka ah iyo dalal kale oo badan ku xambaareyso inay gargaar deg-deg ah la gaaraan dadka ku dhibaateysan goobahaas.
Mr. Carson wuxuu ugu baaqay dalalka beesha caalamka inay gacan ka geystaan sidii ay u gargaari lahaayeen shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu ku habsadeen, isagoo sheegay in Mareykanka uu gargaar siinayo boqolaalka kun ee ay noloshoodu khatarta ugu jirto geeri.
Su'aal ahayd in cunno-qabteynta uu Mareykanku ka hore saaray Al-shabaab ay sabab u tahay in hay'adaha gargaarka loo diido inay ka howgalaan gobollada ay ka taliso Al-shabaab, ayaa sheegay in caqabadu aysan taas ahayn, balse ay tahay siyaasadda Al-shabaab oo cadaadis ku dhisan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya