Wafdi ka socda Ururka gargaarka dalalka Islaamka oo kulan kula yeeshay Muqdisho Madaxda DKMG ah ee Soomaaliya (SAWIRRO)



Arbaco, July 20, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ra'iisul wasaare C/weli Maxamed Cali ayaa maanta Muqdisho kulammo kula yeeshay wafdi ka socday ururka gargaarka dalalka Islaamka oo booqasho ku yimid Soomaaliya, iyagoo kala hadlay xaaladdaha abaareed ee uu dalku ku jiro.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay Dr. C/raxmaan Al-suhayli oo u dhashay dalka Saudi Arabia ayaa waxay kormeer ku tageen xeryo ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo ku yaalla degmada Hodan, dadkaasoo isugu jiray barakacayaasha abaaraha iyo kuwii horay ugu noolaa xeryahaas.

"Qarniyo badan ayaan Soomaaliya xiriir la lahayn - waxaana ka xunnahay dhibaatada ku dhacday. Ujeedada aan halkan u nimid waxay tahay inaan wixii awoodeenna ah ku caawinno shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri mas'uulka wafdigan hoggaaminayay oo saxaafadda la hadlay kadidb kulamadii uu la yeeshay madaxda DKMG ah.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Gaas oo isaguna saxaafadda hadal siiyay ayaa wafdiga uga mahadceliyay imaanshahooda Soomaaliya iyo gacanta ay u fidinayaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna yiri isagoo arrintan ka hadlaya: "Aad ayaan ugu faraxsan-nahay inaad u soo gurmataan shacabkeenna. halkan waxaa ka dhacay abaaro iyo colaado dhibaatooyin badan gaarsiiyay shacabka Soomaaliyeed."

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya oo ku hadlayay afka carabiga ayaa isaguna wuxuu sheegay inay uga mahadceliyaan wafdiga ka socda ururka gargaarka dalalka Islaamka imaanshahooda Muqdisho, isagoo sheegay in xalaado badan oo dalka soo maray ay dowladda KMG ah iyo shacabka Soomaaliyeed iska kaashadeen waxna ka qabteen, balse midda hadda taagan ay tahay mid awooddooda ka weyn.

"Dhibaatooyinka dalka ka jira waa kuwo ka dhashay abaaraha iyo colaadaha dalka ka taagan, waxaana uga mahadcelinaynaa qof walba oo gacan ka geysta sidii loo samatabixin lahaa shacabka," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo isaguna hadlay ayaa sheegay in abaaraha ku dhuftay Soomaaliya ay tahay midii ugu xumayd muddo 60-sano ah, isagoo ugu baaqay calaamka in gargaar lala soo gaaro dadka ay abaaruhu saameynta ku yeesheen.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya