Arbaco, July 20, 2011 (HOL) – Guddi hoosaadka arrimaha Nabad Galyada iyo difaaca Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Mudanayaasha Golahaasi u soo bandhigay warbixinta ku saabsan furashada ururada siyaasada.
Warbixinati ayaa waxa ay la xidhiidhay wareegto uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u soo gudbiyey Golaha Wakiilada, ayaa ka dhalatay daraasad ay guddi-hoosaadka arrimaha gudaha iyo difaacu ay ku sameeyeen.
Warbixintaasi ayaa waxa laga hor akhriyey Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Golahaasi Md. Cabdiraxmaan Maxmed Cabdilaahi (Ciro) isla marknaana ay ka soo xaadireen Mudanayaal tiro badan.
Guddidu waxa maanta warbixintooda kaga hadleen sida loo dhaqangalinayo xeerka ururo siyaasadeedka cusub ee ka qaybgali doona doorashada Golayaasha deegaanada, iyo sida loo waafajinayo qawaaniinta dalka.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ah guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha oo akhriyay warbixinta, ayaa hadalkiisa ku bilaabay, "Ururada aynu maanta ka hadlayno waa in aynu u samaynaa sharciyo adag oo sheegayaa in aan cidi si gaar ah u sheegan karin marka ay noqdaan xisbiyo buuxa, waxaan soo jeedinayaa; waa inaanay lacagta furashada ururada shuruuda looga dhigay aanu bixin qof gaar oo ay noqotaa qaadhaan xubnaha oo dhan laga soo uruuriyay, dee taasi waxa ay meesha ka saaraysaa in cidi uun tidhaahdo xisbiga aniga ayaa iska leh, sida maanta jirta." Waxaanu ku ku baaqay in la abuuro sharci adag oo lagu xakamaynayo awoodaha hoggaanada xisbiyada si aanay u maroorsan talada oo dhan, isla markaana loo damaanad qaado muwaadiniinta in aanay jirin cid xisbi si gaar ah u sheegan kartaa.
Waxaana mudanayaasha aqalka Wakiilada loo qaybiyay xeerka nidaamka Asaxaabta iyo ururada siyaasada oo maalinta bari ah ay mudanayaashu doodiisa gudo galidoonaan.
Sidoo kale waxa Fadhiga maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland Goob joog ka ahaa xubno aad u mihiima oo ka tiran kooxaha daneeyaasha Furashada Ururada Siyaasada oo ay ka mid ahaayeen, Prof. Cabdisalaam Yaasiin iyo Sheekh Aadan Maxamed Xaaji Xiiray.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland