Dhakhaatiir gumad caafimaad u fidiyay barakacayaasha ku jira xerada Aala-Yaaasir ee deegaanka Lambar 50 (SAWIRRO)


Arbaco, July 20, 2011 (HOL) – Qaar ka tirsan dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho oo si iskood ah isku xil-qaamay ayaa gurmad dhanka caafimaadka ah u fidiyay qoysas barakacaasha ah ee ku jira xerada Aala-Yaasir oo ku taalla duleedka garoonka Numbar 50 ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhakhaatiirta gurmadka fidisay oo ka kala socday isbitaallada kala ah: Atlantic Hospital iyo Somali Medical Association ayaa waxaa hormuud u ahaa Dr. Cubayd Daahir Aways iyo Dr. Cabdi Ibraahim Jiya, kuwaasoo ka mid ah dhakhaatiirta ugu wanaagsan ee xilligan ka howl-gala gudaha Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Mar uu Dr. Jiya kula hadlay saxaafadda goobtii dadka daawada lagu siinayay ayaa sheegay in tirada dadka ay maanta gurmadka caafimaad u fidiyeen ay ka badan yihiin 900-qofood isla markaana ay rajaynayaan inay maalmo kale gurmad noocan oo kale ah u fidin doonaan barakacayaasha.


Sidoo kalem Dr. Jiya wuxuu sheegay in cudurrada ugu badan ee barakacayaasha laga daweynayay ay ka mid yihiin nafaqo-darro, cudurrada caloosha ku dhaca ee laga qaado gooryaannada, cudurrada maqaarka, isagoo intaas ku daray in haddii dadkan dhanka nafaqada si wanaagsan looga taageero uu jirkoodu awoodi doono inuu cudurro badan iska difaaco.

Barakacayaasha lagu sameeay baaritaanada caafimaad ee lacag la’aanta ah ayaa la siiyay dawooyinka ay u baahnaayeen sida: sharoobooyinka, faleebooyinka, kaniiniyada, boomaatooyinka iyo dawooyin kale, waxayna dhaqaatiirtu sheegeen in daryeelka caafimaad ay gaarsiin doonaan goobaha kale ee ay barakacayaashu ku sugan yihiin.


Sheekh Suldaan Maxamed Aala-Maxamed oo ka mid ah madaxda gudiga gurmadka abaaraha Xarrakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo isaguna goobta saxaafada kula hadlay ayaa u mahad-celiyay dhakhaatiirta sida deg-dega ah uga soo jawaabtay baaqii ay bulshada u jeediyeen ee ahaa in la gargaaro dadka barakacayaasha ah, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhakhaatiirta kale inay sidan oo kale kaalintooda uga qaataan samato-bixinta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xerada barakacayaasha Aala-Yaasir oo uu gacanta ku hayo maamulka gobolka Shabeellada hoose ee Xarrakada Al-shabaab ayaa waxaa ku nool qoysas gaaraya ilaa 6,000, kuwaasoo ah dadkii ay abaaruhu saameynta xooggan ku yeesheen, iyadoo maamulka gobolku uu ku caawiyo xeradaas. Xerada gudaheeda waxaa ku yaalla xarun caafimaad oo gaar ah taasoo ay maalin walba ka hawl-galaan afar dhaqtar laga bilaabo 7:00 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya