Askari ka tirsan ciidamada DKMG ah ee ku sugan Gobolka Gedo oo maanta lagu fuliyay dil toogasho ah

Arbaco, July 20, 2011 (HOL) – Mid ka mid ah Askarta DKMG ee ku sugan degamda Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa maanta lagu fuliyay xukun toogasho, kaddib markii uu shalay si bareer ah gudaha degmadaas ugu dilay askari kale.

Askariga xukunka lagu fuliyay oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Khaliif Ibraahim ayaa waxaa lagu toogtay barxad weyn oo ku taalla bartamaha xarunta gobolka Gedo, waxaana toogashadiisa si wadajir ah u fuliyay ciidamada Ahlusunna iyo kuwa DKMG ah ee degmadaas kuwada sugan.

"Xukunkan wuxuu ahaa mid si cadaalad ah ku dhacay. Askarigan la dilay shalay ayuu dil u geystay askari kale oo ka tirsanaa Ahlusunna, xukunkanna waa mid la isku waafaqsanaa," ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG ah oo dilka kaddib la hadlay saxaafadda.

Boqolaal qof ayaa goobjoog ka ahaa dilka askarigan horay dilka u geystay. Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo ururka Ahlusunna Waljamaaca.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa uga digay askarta kale ee dowladda iyo Ahlusunna inay dil geystaan. Isagoo sheegay in askari walba oo dil u geysta askari kale ama qof shacab ah la toogan doono.

Degmada Garbahaarey oo uu dilku ka dhacay ayaa waxay ka mid tahay afar degmo oo ka tirsan gobolka Gedo oo ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlusunna oo kaashanaya ciidammo Itoobiyaan ah dagaal uga qabsadeen horraantii sannadkan Xarrakada Al-shabaab oo labadii sano ee ugu dambeysa gacanta ku haysay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya