Arbaco, July 20, 2011 (HOL) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa si ramiya xadhiga uga jaray Adeegga isku xidhaya shan shirkadood oo ka mid ah shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland.
Munaasibadda furitaanka oo lagu qabtay Hargeisa, waxa ka qayb-galay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Wasiirada Diinta iyo Awqaafta iyo Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Masuuliyiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan. Sidoo kale, waxa goob-joog ka ahaa masuuliyiin ka socday Shirkadaha SOMTEL, TELECOM, SOLTELCO, NATION-LINK iyo AFRICA ONLINE.
Madaxweyne-xigeenka oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay in isku-xidhkani uu yahay mid horumar u keenay dalka, isla markaana loo baahnaa. Waxaanu intaa ku daray in Dawladdu diyaar u tahay inay Shirkadaha isgaadhsiintu ku midoobeen inay dadku wada hadli karayaan.
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr. Axmed Xaashi Nuur (Oday) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in isku-xidhka telefoonada Shirkaduhu ay ka dhalatay heshiis ay wada galeen shirkaduhu oo ay Wasaarada Boosuhu ugu baaqday, isaga oo sheegay in adeegani isku xidhka Shirkada isgaadhsiintu uu shacabka u fududayn doono isku-xidhnaanta.
Waxaa kale oo isna munaasibaddaas ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, waxaanu sheegay inay dadweynaha farxad wayn u tahay maadaama ay si toosa iskula hadlayaan.
Dhinaca kale, waxa xusid mudan in Shirkadda TELESOM oo ka mid ah shirkadaha hormoodka u ah isgaadhsiinta Soomaalidu aanay qayb ka ahayn heshiiskaas. Inkasta oo aanay si rasmi ah u shaacinin ujeeddada, haddana warar qaar ayaa sheegaya in shirkaddaasi ay ka biyo-diidday inay ganacsi la wadaagto shirkadahan Isgaadhsiinta qaarkood.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland