Tagsiileyaasha Soomaaliyeed ee Oslo-Norway oo deeq gaarsiiyay dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya (SAWIRRO)


Arbaco, July 20, 2011 (HOL) – Deeq isugu jirtay raashiin dawooyin iyo bacaha laga sameysto aqallada kana timid taksiilayaasha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway ayaa shalay la gaarsiiyay qoysas soo barakacay oo ku jira xero ku taalla deegaanka lambar 50 ee gobolka Shabeellada hoose.

Taksiilayaasha Oslo ayaa iskasoo aruuriyay lacag gaareysa $12,300, kaddib markii ay ka damqadeen xaaladaha murugada leh ee ay ku nool yihiin kumanaanka qoys oo walaalahooda ah, kuwaasoo ay soo barakiciyeen abaaraha daba dheeraaday ee ku dhuftay qaybo badan oo ka tirsan dalkeena Soomaaliya.

Lacagtan oo walaaha tagsiileyaasha Oslo-Norwey ay u soo wakiisheen Kamaal Maxamed Kheyre ayuu sheegey inay ku iibiyeen sahay isugu jirta daawooyin, cunto iyo bacooyin ay aqalada ku dahaartaan maadaama dadkaasi dhibaataysani aysan haysan hoy hagaagsan oo ay kaga gabadaan roobka xagaaga iyo dhaxanta habeenkii.

"Alle ka sokoow waxaa mahad balaaran u soo jeedinaynaa walaalaha tagsiileyaasha Oslo-Norwey oo maanta deeqdan ay madaxooda ku timid halkan si loogu qeybinayo dadkan tabaalaysan ee aad u jeedaan, waxay kusoo beegantay xilli aad loogu baahan yahay iyagana Alle ayaa ka abaal marinaya," ayuu yiri Ustaad Kamaal oo war-fideyeeno goobta tagay la hadlay.

Sahaydan deeqda ah ayaa waxaa ku jiray 350-xirmo oo midkiiba ay ku jirto sideed xabo oo bac ah, boqol loor oo bariis ah iyo daawooyin aad u faro badan oo loogu talo-galay kuwa cudurrada la liita ee ka midka ah dadka soo barakacay ee ku sugan agagaarka deegaanka lambar 50.



Qaar ka mid ah odayaasha deegaanka oo deeqdaasi lagu wareejiyay si ay dadka dhibaateysan ugu qaybiyaan ayaa ammaan u jeediyay tagsiilayaasha Oslo-Norwey sida wanaagsan ee ay isku xil-qaameen uguna gurmadeen walaalahooda ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.

Odayaashan waxay ka codsadeen xoogsatada kale ee Soomaaliyeed dibadaha ku nool inay ku daydaan tagsiilayaasha ah ee ku nool Oslo-Norwey oo u soo gurmaday walaalahooda ku dhibaateysan gudaha dalka, kuwaasoo ay abaaro ku habsadeen.

Cabdulaahi Ibraahim Tima-cadde oo ka mid ahaa aqoon-yahannadii qaybta ku lahaa sidii dadkan deeqda gargaarka loo gaarsiin lahaa ayaa sheegay in looga baahan yahay Soomaalidu inay isku gurmadaan.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya