Madaxweyne Farmaajo oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha ururka suxufiyiinta caalamka ee IFJ



Khamiis, Augusto, 22, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khamiista maanta ah  xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda ururka Isutagga Saxafiyiinta Caalamka ee IFJ oo ka qaybgalay shir-weynaha shannaad ee ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

newsinsideWafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay madaxweynaha IFJ, Younes Mjahed - waxaana weheliyay madaxweynaha xiriirka saxafiyiinta Afrika , Sadiq Ibrahim, ku-xigeenka madaxa ururka suxufiyiinta bariga Afrika, Stephen Ouma Bwire iyo xog-hayaha ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed, Cumar Faaruuq Cismaan. Waftigu waxay si wada jir ah ula wadaageen Madaxweyne Farmaajo arrimaha ku saabsan xorriyadda saxaafadda ee dalka, badbaadada suxufiyiinta iyo kor u qaadidda xirfadda saxaafadda.

Madaxweyne Mjahed wuxuu boggaadiyay talaabooyinka ay qaadayso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si ay ula tacaasho ciqaab la’aanta iyo abuurida jawi ku habboon suxufiyiinta si ay u gutaan xuquuqahooda xorriyadda hadalka iyo isukeenidda.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay wafdiga sare ee ka socda ururka Isutaga Saxafiyiinta Caalamka ee IFJ oo booqashadii ugu heerka sarreysay ku soo gaaray dalka, wuxuuna ku dhiirrigaliyay inay marar badan ku soo laabtan caasimadda Muqdisho si ay gacan uga geystan horumarinta saxaafadda Soomaaliyee, wuxuuna madaxweynaha xaqiijiyay in dowladda federaalka ay ka go'antahay xorriyadda saxaafadda ee dalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]