Sarkaalkii hoggaaminayay howlgalka Shabeellaha Hoose oo la dalacsiiyay

 

Khamiis, Augusto, 22. 2019 (HOL)-Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Daahir Aadan Cilmi Idha-Qarshe ayaa  u dalacsiiyay darrajada Gaashaanle Cabdi Cali Raage oo ah sarkaalkii hor kacayay howlgalka gobolka Shabeellaha Hoose.

newsinsideIdha-Qarshe oo booqday qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Bariirre ayaa ku aamanay ciidamada xoogga dalka howlgallada ay ka wadaan gobolka iyo deegaannada ay kala wareegeen gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana howlgalkaa intooda badan hor-kacayay Cabdi Cali Raage.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale la guddoonsiiyay shahaado uu ku muteystay, karti, dadaal iyo geesinimo, iyadoo Taliyaha ku dhiira geliyay Sarkaalkan inuu  sii guto waajibaadka ka saaran difaaca dalka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]