
Khamiis, Augusto, 22, 2019 (HOL)-Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ku beegan tahay 22ka bishan Augusto ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland.
newsinsideDoorashada ayaa lagu wadaa in ay ku tartamaa ilaa Afar musharax oo kala ah madaxweynaha xiligan ka arimiya mamulka Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo markii saddexaad doonaya in loo doorto xilka madaxweynaha, Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) musharax Maxamed Cumar Geedi iyo Canab Maxamed Daahir.
Doorashada Maanta ka dhaceysa Magalada Kismaayo ayaa natiijada kasoo baxda waxaa horay u sheegay inaysan aqoonsan doonin Dowladda Federaalka Soomaaliya halka Beesha Caalamka ay si lamid ah shaki gelisay inay aqoonsato.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]